C/Kariim Xuseen Guuleed oo ah madaxweynihii hore ee maamulka la baxay Galmudug ayaa ayaa shaaca ka qaaday, in Dowladda Fedaraalka ay mareyso xaalad fowdo ah oo halisteeda leh.
C/Kariin oo muujinaya walaaca uu ka qabo xaaladda ay mareyso Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu qoraal uu soo saaray ku tilmaamay, in marxaladda ay hadda ku sugan yihiin ay tahay mid aan laga aamusi karin.
Waxa uu xusay in khatarro amni iyo kuwa siyaasadeed ay dhex muquuraneyso Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareeraya.
Xasan Sheekh ayuu uga digay waxa laga dhaxli karo doorashada halka dhinac ah ee uu wado, taas oo uu ku tilmaamay iney keeno karto fowdo amni iyo in ay burburto Dowladda Fedaraalka.