Afhayeen u hadlay madaxtooyada Nayjeeriya ayaa shaaca ka qaaday, in Madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Bukhaari uu saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Landhan ee caasimadda dalka Ingiriiska.
Af-hayeenka xukuumadda Nayjeeriyaa ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay aaladda “X” ee horay loo oran jiray Tuwiitarka waxa uu ku sheegay, in Madaxweynaha oo ahaa 82 sano jir uu u geeriyooday, xanuun uu in muddo dheer la noolaa, isagoo af-hayeenka aan wax faahfaahin ah ka bixin nooca xanuunkaas.
Maxamed Bukhaari waxa uu xukunka la wareegay bishii Janawari ee sanadkii 1984-kii, kadib markii uu afganbiyay madaxwaynihii ugu horreeyay ee rayid ah oo ay yeelato Nayjeeriya, kaas oo lagu magacaabo Shaykhuu Shajaaari, balse isna xukunka kuma raagin oo 20 bilood kadib waxaa afgambiyay taliyihiisa ciidamada oo lagu magacaabo Ibraahiim Baaba Najiida.
Balse markale ayaa Maxamed Bukhaari loo doortay xilka madaxtinimo ee dalka Nayjeeriya isagoo maamulayay dalkaas intii u dhaxeysay sanadihii 2015-ka ilaa 2023-ka.
Madaxwaynahan oo kamida shakhsiyaadka afka ka sheegta diinta Islaamka ayaa intii uu hayay talada dalka Neyjeeriya oo aqlabiyadda Muslimiin yihiin, waxa uu ku xukumay, andimada reer Galbeedka ee baadilka ah sid dimuqraadiyada, taas oo dalkaasi usii kordhisay burburka iyo kala qoqob.