Friday, April 11, 2025
HomeAll NewsMadaxweynihii Kuuriyada Koonfureed oo si Rasmi ah Xilka Looga Qaaday.

Madaxweynihii Kuuriyada Koonfureed oo si Rasmi ah Xilka Looga Qaaday.

Kadib in muddo ah oo xaalad deganaansho la’aan ah ka jirtay dalka Kuuriyada Koonfureed ee dhaca qaaradda Aasiya, kana dhalatay xaalad deg deg ah oo uu madaxweyihii wadankaasi ku dhawaaqay, waxaa shalay soo baxay go’aan rasmi ah oo xilka looga qaadayo hogaamiyihii dalkaasi.

Maxkamadda loo yaqaan dastuuriga ee kajirta wadankaasi ayaa shalay oo Jimco ahayd si rasmi ah xilkii uga qaadday, Yoon Suk Yeol oo ahaa Madaxweynihii Kuuriyada Koonfreed.

Ninkan ayaa markii uu ku dhawaaqay xaaladda deg dega ah wixii ka dambeeyay wuxuu galay nolol ka dawan ee madaxtinimada ee uu ubartay, wuxuuna udhaxeeyay mar uu maxbuus yahay iyo xilli kale oo su’aalo la waydiinayo.

Xaalad qalalaase iyo fowdo ah ayaana ka billaabatay gudaha wadankaasi, iyadoo ku kaceen xubnaha mucaaradka ee xukuumadda Kooriyada Koonfureed.

Kadib in muddo ah oo uu dalkaasi ku jiray xaalad hubanti la’aan waxaa shalay xilkii laga qaaday ninkan, oo ku fashilmay damaciisii ahaa inuu xukunka dalkaasi isbedel ku sameeyo.

Haatan muddo 60 maalmood gudahood ah ayey Baarlamaanka dalkaasi ku hawlanyihii iney kusoo doortaan madaxweyne cusub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.