Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMalaga Yabaa in Ukraine Lumiso Gacan ku Heynta Gobolka Kursk ee Ruushka?

Malaga Yabaa in Ukraine Lumiso Gacan ku Heynta Gobolka Kursk ee Ruushka?

In kabadan Lix bilood kahor, Yukrayn ayaa hawlagallo millatari ka bilowday gudaha gobolka Kursk ee Ruushka, Kyiv ayaana dagaalkan ka lahayd Labo ujeedo oo waaweyn oo kala ah in ay iska khafiifiso cadaadiska Ruushku uu ku hayo koonfur bari dalkaas iyo in ay Moscow ku khasabto is dhaafsi dhuleed oo ay Yukrayn kusoo ceshanayso dhulkeeda.

Kyiv ma aysan gaarin yoolkii ay ku taamaysay, inkastoo ay si joogto ah u sheeganaysay guullo ay ka gaartay dagaaladaas, waxaana weeraradaas lagu dilay in ka badan 40 kun oo askari, kuwaas oo iskugu jiray ciidamo  Raashiyaan ah iyo kuwo kasoo jeeda dalka Waqooyiga Kuuriya oo gaashaan buur la ahaa ciidamada Moscow. Wadooyinka waawayn ee gobalada Donetsk iyo Kharkiv ayaa weli xiran, iyadoo ay ka socdaan dagaallo cusub.

Arrintan ayaa sheegashada Yukrayn galinaysa muran badan, kaddib markii uu Ruushku soo galay dhul hor leh oo katirsan dalka Yukrayn, wuxuuna Ruushku ku hanjabay inuu go’doomin doono kumanaan askari oo ka tirsan militariga Kiev, taas oo uu u arko inay fursad u tahay is dhaafsiga maxaabiista dagaal ee labada dhinac kala haystaan.

Dadka Yukreeniyaanka ah ayaa si adag u beeniyay sheegashooyinka ciidamada Yukrayn ee ahaa inay hormaro la taaban karo ka gaareen dagaalka tan iyo bilawgii hawlgalada, waxay militariga dalkaasi sheegayeen tirooyin maalinle ah oo aan wax badan ka duwanayn kuwii hore ee dhacay, marka loo eego tirada isku dhacyada, weerarada iyo xajmiga khasaaraha.

Arrintan ayaana soo cusboonaatay kaddib markii la arkay xaqiiqada dhabta ah ee dagaalada dhacaya, waxaana laga dheehan karaa khariidadda Deep State ee loo adeegsado dagaalada, taas oo muujinaysa in Ruushku uu ku soo wajahan yahay hareeraynta ciidamada Yukrayn ee ku sugan gudaha iyo hareeraha magaalada Sudzha, waxayna sidoo kale ku wajahan yihiin marinka ugu wayne ee ay taageerada saadka ka helaan ciidamada Yukrayn.

Halkan kala deg Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.