Thursday, May 8, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaad Hubeysan oo Rag Xoolo-dhaqato ah ku Dilay Gobalka Hiiraan.

Maleeshiyaad Hubeysan oo Rag Xoolo-dhaqato ah ku Dilay Gobalka Hiiraan.

Maalintii shalay waxaa deegaan hoostaga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ka dhacay, dil ay geysteen maleeshiyaad hubeysan.

Maleeshiyaadka ayaa waxa ay toogteen 2 ruux oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka hoostaga degmada Matabaan.

Labada ruux ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Bashiir Ganeey iyo Cali Daahir Rooble, kuwaas oo ahaa Wiil iyo Abtigiis xoolo dhaqato ah.

Dilkaan ayaa waxa uu salka ku hayaa aano qabiil, waxaana dilkaasi kadib gudaha degmada ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa lagu eedeeyay iney qeyb ka yihiin dagaallada ka socda goballada dhexe ee Soomaaliya, marar badanna ay ka qeyb qaateen dagaalladaas.

Halkaan ka Degso Warka Hiiraan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.