Aroornimadii hore ee maanta ayaa waxa ay maleeshiyaad hubeysan weerar ku qaadeen, xabsiga weyn ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta goobalka Mudug, si gaar ah qeybta uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland.
Maleeshiyaadka xabsiga weeraray ayaa lasoo warinayaa in qorshohoodu uu ahaa sidii ay xabsiga magaalada uga sii deyn lahaayeen mid kamid ah maxaabiista ku xiran jeelka.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad culus uu dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo ciidamada maamulka la baxay Puntland ee gacanta ku haya xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Khasaare kala duwan ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay weerarka ay geysteen maleeshiyaadka hubeysan ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, walow aanan helin tafaasiil ku aaddan halka uu la egyahay.
Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka isugu yeeray Puntland oo ku aaddan, weerarka ay maleeshiyaadka ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Dhowr jeer oo hore waxaa sidaan oo kale ay maleeshiyaad hubeysan weeraro ugu qaadeen xabsiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana weeraradaas qaarkood ay geysteen khasaarooyin kala duwan.