Sunday, May 4, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaad Ka Yimid Koonfurta Suudaan oo Masuuliyiin Xabashi ah ku Laayay Gudaha...

Maleeshiyaad Ka Yimid Koonfurta Suudaan oo Masuuliyiin Xabashi ah ku Laayay Gudaha Itoobiya.

Maleeshiyaad kasoo gudbay Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay iney dileen masuuliyiin Itoobiyaan ah ayna la wareegeen deegaan ku yaalla dalka Itoobiya.

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar la sheegay in maleeshiyaad kasoo tallaabay Koonfurta Suudaan ay la wareegeen, deegaan katirsan katirsan dalka Itoobiya ayna dileen masuuliyiin katirsan xukuumadda Adis Ababa.

Maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay la wareegeen deegaanka Gambeella ee dalka Itoobiya, iyagoona halkaasi ku dileen masuuliyiin sarsare, halka ay dhaawaceen gudoomiyihii degmada Balli-kuun ee dalka Itoobiyal.

Maleeshiyaadkaan oo katirsan mucaaradka Koonfurta Suudaan, ayaa waxa ay tan iyo arbacadii lasoo dhaafay weeraro ka wadeen, xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, waxaana halkaasi ka billawday barakac xooggan.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.