Maalintii shalay waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay, weerar ay maleeshiyaad taabacsan maamulka Xabashida ku daaban ee ka arrimiya dhulka Soomaali-galbeed ay ku qaadeen rag dhalinyaro ah.
Weerarka ayaa waxa ay maleeshiyaadkaan ku qaadeen Hotel ay ku sugnaayeen dhalinyarada oo ku yaalla magaalada Jigjiga, iyagoona halkaasi ka geystay xadgudubyo kala duwan.
Dhalinyarada oo shaah ka cabeysay hotelka islamarkaana aan geysan wax dhibaato ah ayaa lasoo warinayaa in lagu soo weeraray dhowr gawaari ah oo ay saarnaayeen ciidamado badan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen, in maleeshiyaaadka weerarka geystay ay dhalinyarada kula kaceen tacadiyaad kala duwan oo uu jirdil ugu horreeyo.
Intaasi kadib waxaa dhalinyarada loo ka xeeyay mid kamid ah jeelasha uu gacanta ku hayo maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulak Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysigeeda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha hogaamneysay weerarkaan ay ahaayeen, kuwa uu maalin kahor wasiirka Madaxtooyada ee maamulka Xabashida ku daaban uu kula dardaarmay gudaha madaxtooyada, islamarkaana uu amray iney gacan adag ku qabtaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan dhulkaas.
Weerarkaan lagu dhibaateeyay dhalinyarada ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan hogaamiyaha maamulka ay Xabashida ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ninka lagu magacaabo Mustafa Cagjar uu si cad u sheegay, iney ku faanayaan xasuuqa iyo dhibaatada au ku hayaan dadka rayidka ah.