Dalka Itoobiya oo ay marba marka ka dambeysa kusii xoogeysanayaan colaadaha u dhaxeeya xukuumadda Adis Ababa iyo maleehsiyaadka mucaaradka, ayaa waxaa lasoo warinayaa in mid kamid ah jabhadaha ka dhisan dalkaas ay qaadatay tallaabo ka dhan ah Dowladda Itoobiya.
Jabhadda Amxaarada ee FANO ayaa waxa ay billawday beegsi ka dhan ah qoysaska xubnaha katirsan maamulka gobalka ugu magacaaban Dowladda Itoobiya, iyo cid waliba oo ku lug leh la shaqeynta xukuumadda Adis Ababa.
Arrintaan oo ay kooxdu ku sheegtay iney qeyb tahay waxyaabaha ay kaga qeyb qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah Itoobiya ayay durbababa maleeshiyaadku ka billaabeen gobalka.
Illaa dhowr iyo toban ruux oo shacab ah ayaa lasoo warinayaa in illaa iyo hadda ay toogteen maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO, iyagoo sidoo kale dab qabadsiiyay guryahooda iyo beerahooda, kana qaatay xoolo ay dhaqanayeen dadkaas.
Tani ayaa sababtay in gobalka uu marti galiyo barakac xooggan oo ay sameynayaan qoysaska xubnaha katirsan maamulka gobalka Amxaarada ee taabacsan Dowladda Itoobiya.
Halkaan ka Degso Warka Itoobiya