Dalka Itoobiya waxaa wali ka holcaya dagaallo culus oo udhexeeya ciidamada Dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka ka dhisan gudaha dalkaas.
Kooxda Amxaarada ee FANO ayaa waxa ay sheegtay, in weeraro ballaaran ay ku qaaday fariisimayaal dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Itoobiya.
Waxay kooxdu sheegtay in magaalooyin dhowr ah ay ka fuliyeen weerarada, kuwaas oo ay ugu horreyso magaalada Gojjam, halkaasna ay ku laayeen ciidamo badan.
Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay dhankeeda goor sii horreysay baahisay, maxaabiis iyo hub ay sheegatay iney ka qabsatay maleeshiyaadka FANO.