Maleeshiyaadka TPLF ee kasoo horjeeda Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxa ay hanjabaad direen, ciidamda Itoobiya iyo kuwa Eretrea ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Tigrey.
War qoraal ah oo ay soosartay kooxda ayaa waxa ay ku sheegtay, in dawladda Itoobiya ay si dagdag ah ciidankeeda uga saarto gobolkaas, si ay barakcayaasha dib ugu soo celiyaan degaanadooda .
Hogamayaha gobolka Tigreyga ayey ku tilmaameeen in uu yahay mid dhibaato ka dhax wado gobolka , waxaan ay ugu baqeen In uu ka joogsado falalkaas guracan ee uu gobolka kawado.