Maamulka ay xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa dhaawacay nin wadaad ah, iyagoo xarig iyo jirdil u geystay tiro dhalinyaro ah.
Maleeshiyaad katirsan maamulka ay Dowladda Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysigeeda, ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay tacadiyaad kala duwan ka geystay qeybo kamid ah dhulkaas.
Macallin Xaashi Xasan Ibraahim oo kamid ah culimada degmada Mulla ee dhulka Soomaali-galbeed, ayay maleeshiyaadka maamulka Mustafa Cagjar waxa ay si bareer ah ugu dhaawaceen halkaas.
Isagoo dhiig baxaya ayay maleeshiyaadku isaga tageen wadaadka ay dhaawaceen, waxaana ugu dambeyn usoo gurmaday dadka deegaanka, kuwaas oo dhigay xarun caafimaad si loola tacaalo xaaladdiisa.
Geesta ciidamada maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed, ayaa waxa ay rag dhalinyaro ah dhibaatooyin ugu geysteen degmada Qabri-bayax ee ay gumeysato Itoobiya.
Saacadihii lasoo dhaafay, waxay maleeshiyaadka iyo ciidamada Boliska ee maamulka ay xabsiga dhigeen tiro dhalinyaro ah, kuwaas oo ay qaarkood ay dhaawacyo u geysteen.
Dhalinyarada ay ugaarsiga ku hayaan maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay eed uga dhigeen, in ay soo abaabulayeen qorshayaal ka dhan ah maamulka halkaasi ka jira, ayna sameynayeen kicin dadweyne sida ay hadalka u dhigeen.
Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan maleeshiyaadka Liyu Bolis ay xabsiga u taxaabeen, dhalinyaro ay ka qafaasheen degmada Dhagax-buur oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya.