Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaadka Mustafa Cagjar oo Haweeney ku Jirdilay Dhulka Soomaali-galbeed.

Maleeshiyaadka Mustafa Cagjar oo Haweeney ku Jirdilay Dhulka Soomaali-galbeed.[DHAGEYSO]

Ciidanka ay Dowladda Xabashida ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa jirdil u geystay haweeney, iyadoo dhibaatooyin laga soo sheegayo deeaanno katirsan dhulkaas.

Waxaa xarunta booliska ee degmada Bookh oo gobalka Doollo oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed oo ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya lagu jirday ruux dumar ah.

Mid kamid ah ciidankii ku sugnaa xarunta oo isku dayay inuu kufsi u geysto gabadha ayaa waxa uu jirdil xooggan u geystay gabartaas.

Maamulka degmada iyo taliska ciidanka ayaa billaabay iney hanjabaad u diraan qoyska gabadha, iyagoo dul ugu hanjabay, waana tan gabadha oo ka warameysay dhibaatada loo geystay.

Halkaan ka Degso Warka Soomaali-galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.