Magaalada Sulaymaaniyah ee Waqooyiga dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa in bari Jimcaha uu halkaas ka dhaco tallaabo ay qaadayaan dagaalyahanada kooxda Kurdida ee magacooda loosoo gaabiyo PKK, kuwaas oo si rasmi ah u wareejin doona hubka, dhanka kalana kala diri doona ciidamada u diwaan gashan.
War uu soo saaray xisbiga mucaaraadka ee midaynta Kurdishka ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay, in xubno ka tirsan PKK ay isugu imaan doonaan deegaanka Rabrin ee gobolka Raniya, halkaas oo ay ku wareejin doonaan hubkooda, iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah iyo xisbiyo Kurdish ah.
Tallaabadan ayaa timid kaddib booqasho uu madaxa sirdoonka Turkiga, Ibraahim Qalin, uu ku tagay magaalooyinka Baqdaad iyo Erbiil, halkaas oo uu madaxda Ciraaq kala xaajooday sidii loo dardargelin lahaa qorshaha is dhiibida ciidamada Kurdiyiinta.
Hoggaamiyaha PKK, Cabdullaah Uujalaan, oo xiran tan iyo sanadkii 1999-kii, ayaa horay ugu baaqay in kooxda ay ka tanaasusho dagaalka hubaysan una gudubto habraacyo kale oo ay si silmi ah ugu heli karto xaqa ka maqan.