Sunday, May 4, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaadka RSF oo Weerar ku Qaaday Magaalada Port Suudaan.

Maleeshiyaadka RSF oo Weerar ku Qaaday Magaalada Port Suudaan.

Warbaahinta Suudaan ayaa ku warantay, in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay maanta weerareen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boorta Suudaan, oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee xukuumadda Suudaan.

Maleeshiyaadka Dacmu Sariic ayaana weerarkan ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Goobjoogayaal ku sugnaa  magaalada ayaana soo sheegay, in shan diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ay duqeeyeen garoonka muddo nus saac gudahood ah, iyagoo intaas ku daray, inay arkayeen, qiiq aad u xooggan oo ka kacayay agagaarka garoonka, kaas oo ah garoonka labaad ee ugu wayn dalkaas marka laga soo tago kan ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Dhankooda, malatariga Suudaan ayaa sheegay, in ciidamada Tageerada Degdegga ah weerar ay u adeegsadeen diyaaradaha Darooniska ay ku qaadeen Saldhig lagu magacaabo Cisman Diqna oo ay leeyihiin cidamada cirka ee dalkaas kuna yaalla magaalada Boorta Suudaan, iyagoo intaasi ku daray, inay sidoo kale beegsadeen Bakhaar lagu kaydiyo badeecooyinka iyo qaar ka mid ah xarumaha rayidka ee magaaladaasi.

Iyadoo ilo rasmi ah ay warbaahin u sheegayaan, in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, ayaa haddana waxay xogaha tilmaamayaan, in koronto la’aan ay ka jirto qeybo ka mid ah garoonka, saamayn weerarradaan awgeed.

Magaalo xeebeedka Boorta Suudaan oo xarun ku meel gaar u ah dowladda Suudaan ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Suudaan, iyadoona caasimad u ah gobolka Badda Cas, waxaana lagu tiriyaa marinka bari ee laga soo galo dalka Suudaan, iyadoo ay ku taallo dekedda ugu weyn dalkaas. Halka ay tahay markii ugu horeysay oo ay weerarrada xoogaga Taageerada degdega ah gaaraan magaaladaan, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Roytaris.

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaana muddooyinkii dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan goobaha iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla agagga ay ka taliyaan ciidamada malatariga ah ee Suudaan, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.