Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa shalay galinkii danbe gantaal balaastig ah ku weerartay dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin, hawgalkan ayaana sababay cabsi xooggan oo haraysay Yahuudda, kuwaas oo ku cararay gabaadyada laga galo duqaymaha, sida lagu sheegay war rasmi ah oo lagu daabacay baraha ay internat-ka ku leeyihiin militariga Yahuudda.
Warka kasoo baxay Yahuudda ayaana lagu sheegay, in ciidamadoodu ay soo rideen gantaal lagasoo tuuray dhulka ay Xuutiyiintu ka maamusho dalka Yaman. Warbaahinta gudahu ee Yahuudda ayaana xaqiijisay, in la hakiyay duulimaadyadii garoomada diyaaradaha ee magaalada Tal-abiib, sababo cabsi awgood, inkastoo aysan wali Xuutiyiintu war rasmi ah kasoo saarin weerarkaas.
Duqayntan ayaa kusoo beegantay dhawr casho kaddib markii ay Yahuuddu weerar culus ku qaadeen garoonka diyaradaha ee magaalada Sanca, halkaas oo lagu burburiyay diyaarad rakaab ah oo siday dadyow kala duwan, taas oo si gabi ahaan ah u burburtay.