Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsMali, Burkiina-Faaso & Niger oo Go’aansaday iney Safiiradooda Uga Yeeraan Dalka Aljeeriya.

Mali, Burkiina-Faaso & Niger oo Go’aansaday iney Safiiradooda Uga Yeeraan Dalka Aljeeriya.

Kadib markii dhawaan ay xukuumadda Al-Jazaa’ir soo ridday diyaarad ay leedahay dowladda Mali oo ah Nooca Drone-ka, waxaa sii xumaaday xiriirka kala dhaxeya dowaladaha saaxilka.

Bayaan wada jir ah ayey shalay galab soo saaree dowladaha Mali, Burkiina-Faaso iyo Niger, waxayna ku dhawaaqeen go’aaka ah iney safiirada ujooga wadanka Aljeeriya uyeeraan.

Go’aan kan ayey sheegeen inuu yimid kadib tallaabadii ay qaadday xukuumadda Aljeeriya ee ahaa iney soo ridday diyaaraddii soo gashay wada dalkaasi ee laga lahaa wadanka Mali.

Sido kale war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Mali ayaa lagu sheegay iney isaga baxday ciidamado isbaheysi ah oo ay qeyb ka tahay dowladda Al-jazaa’ir.

Mali ayaa fal cadawtooyo ku tilmaamtay tallaabadii lagu soo riday diyaaradeeda, maadaama ay ay qiimo ahaan joogto lacag aad ufarabadan oo kor udhaafeysa in kabadan 28 Malyan oo Dollar.

Tani ayaa ka dhigan khilaaf hor leh oo soo kala dhexgalay dowladahan, waxaana muuqata in labada dowladood oo kale is garabtaageen dowladda Mali.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.