Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsMalleeshiyaadka RSF oo Markale Dad ku Xasuuqday Dalka Suudaan.

Malleeshiyaadka RSF oo Markale Dad ku Xasuuqday Dalka Suudaan.

Malleeshiyaadka Ad-Dacmu As-Sariic ee taageerada ka helaya Imaaraat-ka Carabta, ayaa mar dad hor leh ku xasuuqay tuulo katirsan wadanka Suudaan.

20 ruux oo shacab ah ayey RSF ku dileen, tuulada Al-Khiiraan oo kamid ah dalka Suudaan.

Sido kale diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee ay malleeshiyadan isticmaalaan, waxay duqeeyeen, xarunta korontada Abu Showk ee ku taalla magaalada Al-Qadaarif, waxayna go’ay adeegii korontada, oo xaruntan ay siinjirtay sedax gobol oo kala ah, Al-Qadaarif, Kasala iyo Sharqi As-Suudaan.

Dhanka kale, dagaallo xooggan ayaa dhexmaray ciidamada Suudaan iyo malleeshiyada Ad-Dacmu As-Sariic, kuwaasoo ka dhacay gobollo kala duwan oo kamid ah wadanka Suudaan.

Meelaha dagaallada udhaxeeya labadan dhinac laga soo warinayo waxaa kamid ah, gobolka Daar-Fuur, magaalada Al-Kharduum, Kharduum Baxri iyo gobolka Al-Qadaarif.

Marka laga soo tago dagaallada dhexmaray, wuxuu mid kasto oo kamid ah labada garab ee iska soo horjeeda sheeganayaa guulo waa weyn, balse aan la helin ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

Ciidanka Suudaan oo kale waxay sheegteen, in kolonyo katirsan malleeshiyada RSF oo uu hogaamiyay  C/Raxmaan Doqlo, islamarkaana wadatay in ka badan 546 gaadiid ah ay kula dagaallameen saxaraha Daar-Fuur, guulana ka gaareen dagaalkaasi.

Dhinca RSF iyaguna waxay sheegteen iney dagaallo ka dhacay isla gobolkaasi ay askarta Suudaan ku gaarsiiyeen khasaarooyin kala duwan, islamarkaana ay kala wareegeen 206, gaari, iyagoo intaasi ku daray iney ka gubeen 67 kale intii ay dirirtu socotay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.