Diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin malleeshiyada RSF, ayaa duqeyn la beegsatay isbitaalka As-Sucuudi ee ku yaalla magaalada Al-Faashir ee gobolka Daar-Fuur oo katirsan wadanka Suudaan.
Duqeyntan ayaa isbitaalka ka dhacday labo maalin kahor, waxaana marba marka ka dambeysa sii badanayay tirade dadka naftooda waynaya.
Ugu yaraan 67 ruux ayaa lagu dilay duqeyntan, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo isbitaalka, waxaana sido kale ku dhaawacmay tobanaan kale.
Isbitaalka ayaa gebi ahaanba xilligan ah mid aan shaqeyneyn, maadaama burbur laxaad leh ay duqeyntu ugeystay.
Malleeshiyada caadeystay daadinta dhiigga dadka shacabka ah, ayeysan ka badbaadin xatta leynta dadka bukaanka ah, waxana mar waliba tuuraan duqeymo aan loo meel dayin.