Monday, April 21, 2025
HomeWarka DibaddaMalleeshiyada RSF oo Xasuuq aan Kala Joosi Lahayn Kawada Gudaha Suudaan.

Malleeshiyada RSF oo Xasuuq aan Kala Joosi Lahayn Kawada Gudaha Suudaan.

Kooxda Ad-Dacmu As-Sariic ee taageerada ka heleysa Imaaraadka Carabta ayaa duqeymo hor leh oo ay in ka badan 30 ruux ku xasuuqday qaar kalena ku dhaawacday ka fulisay xaafado katirsan magaalada Al-Faashir ee go’doonka ugu jirta.

Illaa 3 xaafadood oo katirsan magaalada ayey ayey uqeybiyeen duqeymahan oo ay udeegsadeen Drones, waxayna halkaasi ku dileen illaa 40 ruux, halka ay dhaawaceen 32 kale.

Duqeymuhu waxay dhaceen galabnimadii shalay, malleeshiyadan ayaana illaa 10 caruur ah ku dhaawacmay duqeymahooda ka hor istaagay in loosoo qaado magaalada si loola tacaalo xaaladooda caafimaad, waxayna duqeynayaan baabuurkii dhaqaaqa, maadaama ay magaalada go’doon ku hayaan.

Waa gumaad iyo go’doon isla socda waxa ay malleeshiyadan ka waddo Suudaan, maalmihi lasoo dhaafayna waxay laayeen dad badan oo shacab ah, iyagoo beesaneysa goobaha ay ku badan yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.