Wararka ka imaanaya magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya, in malleeshiyo hubeysan ay saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaadeen saldhigga degmadaasi, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo katirsan maamulka la baxay Galmudug.
Malleeshiyadan iyo askarta Booliska ah ee jooga saldhigga ayaa ku wada dagaallamay halkaasi, waxayna isku adeegsadeen hubak noocyadiisa kala duwan sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.