Friday, April 4, 2025
HomeAll NewsMAQAAL: Ina Igarre iyo Sayid Maxamed, Xasan Sheekh iyo Sh. Abu Cubeyda.

MAQAAL: Ina Igarre iyo Sayid Maxamed, Xasan Sheekh iyo Sh. Abu Cubeyda.[WQ: Maxamuud Ugaas]

“Taariikhdu, siiba taariikhda dagaalladu, sida caadiga ah ma ahan kaliya u kuulgalka tagtada, ee waa, sidoo kale, dib u eegista sida uu mustaqbal ay ceeryaamo ku daahnaydi xilli ula muuqday intii ku lugta lahayd dagaalka, iyaga oo mararka qaar adeegsanayay ilayska nuxuuska ah ee wixii caddaymo teel-teel ah horyaallay, mararka qaarna iftiinsanayay hubantida diinta iyo wixii ay rumaysnaayeen” – Roy Irons, ‘Winston Churchill and the Mad Mullah of Somaliland’.

Bishii May 1901dii, waxa ay boqortooyadii Ingiriisku markii ugu horraysay qaadday duullaan noqday ibafurka dagaal muddo 20 sano ah ka socday gobollada Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, Nugaal, Mudug, Hawd iyo Qorraxey oo ay la gashay Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo xertiisii Daraawiish. Dagaalkani, marka laga eego dhinacyada waxa la isku haystay, afkaarta la kala aaminsanaa iyo cidda labada geesood go’aannadu gacanta ugu jireen, wuxuu ahaa dagaal u dhexeeyay Soomaali Muslimiin ah oo dhulkoodii, diintoodi, iyo dadkoodii difaacaysa iyo saancaddaale yoolkiisu ahaa gumeysiga dadka, hanashada iyo islahaysiinta dhulka, la wareegista maamulka iyo siyaasadda, iyo faafinta diin baadil ah. Ingiriiska iyo askartii Britishku waxay ahaayeen afraad ku mashquulsanaa naf iyo maalna u hurayay xaqiijinta mustaqbal ay ku eegayeen indho gumeysi iyagoo adeegsanayay ilayska nuxuuska ah ee islaweynidiii ay imbaraadooriyadaha kufrigu caanka ku ahaayeen. Mustaqbalkani wuxuu ahaa maalin ay boqortooyada Ingriisku ka taliso guud ahaan dunida, wuxuuna ula muuqday mid lagu xaqiijin Karay kaliya dullaynta, dilka, dhaca, iyo boobka shucuubta kale ee aan awoodda wax-iska-caabbineed lahayn.

Tusaale ahaan, Winston Churchill oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaamisay dagaalkii Ingiriisku la galay Mahdigii reer Suudaan, dibna ka noqday Raysalwasaare, ayaa waxa uu buuggiisa ‘River War’ dhexdiisa isku weydiinayaa su’aal ka tarjumaysay yoolkii uu askariga Britishka ah ee qarnigii 19aad hormuudka u ahaa mashruucii baahinta calankii boqortooyada Ingiriisku beegsanayay iyo aragtidii uu mustaqbalka ka haystay: “ma waxaa jira mashruuc ay bulsho ilbax ahi ku dhaqaaqi karto oo ka sharaf iyo faaiido badan in waxshiyadda laga faromaroojiyo dhulalka dihin iyo shucuubta ballaaran ee ay maamusho?” Waxshiyaddu, aragtidiisa, waa khilaafadii Islaamka ee xilligaas gabaabsiga ahayd iyo guud ahaan wixii maamul ka jiray dhulalkii ay duullaanka ku ahaayeen ee Muslimiinta iyo dadyowga kaleba.

Dhanka kale, sida ay Sayidka iyo gabayaagii Daraawiisheedba af iyo addinba ka caddeeyeen, waxa uu yoolka mujaahidiintii waqtigaasi ahaa labo arrimood oo isku sidkan: 1- xoraynta dhulka Muslimiinta ee ay gaaladu qabsatay iyada oo loo marayo waddada jihaadka, iyo 2- hirgalinta maamul ashahaata oo ay shareecada islaamku manhaj, siyaasad iyo sharciba u tahay. Daraawiishi, sidaa darteed, waxa ay ahayd koox lahayd aragti ummadeed oo siyaasi ah, ka sarraysay dhaqamadii iyo aragtiyihii bulsho ee casrigaas ee ay qabaliyadda iyo geelii la kala dhici jiray ugu muuqdeen, una babac dhigaysay cadow dibadeed oo sida taariikhdu caddaysay duullaan ku ahaa jiritaankii iyo mustaqbalkii dadkooda. Si kale marka loo dhigo, daraawiishi waxa ay ahayd jawaabtii waaqiciga ahayd ee uu waxgaradkii mujtamacii Soomaaliyeed ee xilligaasi ka bixiyay damicii gumeysiga iyo go’aankii ay saraakiisha reer Yurub ku gaareen in ay Berbera iyo Zeylac qaataan, Hawd iyo Gubanna ku darsadaan, buuraha Sanaag macdanta ka qotaan, dhul daaqsimeedkii Nugaaleedna dadkii lahaa ka kireeyaan.  Waxa ayna sidaa ku noqdeen mid ka mid ah labada saf ee uu dagaalka kor ku xusani 20ka sano ka dhex aloosnaa. Magacyo foolxun, eed xad dhaaf ah, cay nooc kasta ah, dil iyo dhac ayay Daraawiishi ku kasbatay mawqifkeedii iyo meeshii ay istaagtay.

Laakiin, sida ay dabeecadda kufrigu tahayba, safkii Ingiriisku kama uusan koobnayn kaliya askar British ah, sida uu safkii Daraawiishtu uga koobnaa kaliya duubcaddii culumada ahayd. Ingiriis waxa uu ahaa nin saaran daabbad ka koobnayd Hindi iyo African, Siingesiinge iyo Mau-Mau, Yugandhees iyo ciidan laga keenay waddanka hadda Malawi loo yaqaan, Carab iyo Cajam, caddaankii South Africa iyo Eeshiyaan; Inan gumeed kasta oo ay Soomaali ka mid ahayd. Sida ay tilmaamayaan qaar ka mid ah askartii gumeysiga ee dagaalladan ka qaybta ahaa xilliyada kala duwani, waxa uu qorshaha dagaalkani billowday November 1900, waxyar ka dib markii uu sarkaal la oran jiray Colonel Eric Swayne Berbera kasoo degay asaga oo ay shaqadiisa kowaadi ahayd ‘uruurinta ciidan Soomaali ah’ oo beddeli kara ciidankii ‘King’s African Rifles’ ee Berbera joogay. Sida uu tilmaamayo Douglas Jardine (xoghayihii maamulkii gumeysiga 1916 – 1921) “hawshaasi ma aysan noqon mid culeys badan lagala kulmay; maadaama uu maanka Soomaalida buuxiyay nacaybka ay u qabeen wadaadka tacaddiyada uu geysanayay dartood, sidaa darteedna uu qulqulka qabaaishu keenay tiro ka badan intii aan u baahnayn, iyadoo ay weliba aad u hoosaysay gunnada aan ballanqaadaynay” (The Mad Mullah of Somaliland, bogga 57).

U fiirso sheegashada ah “maadaama uu maanka Soomaalida buuxiyay nacaybka ay u qabeen wadaadka, tacaddiyada uu geysanayay dartood”. Waa November 1900 oo uusan weli dhicin wax dagaal ahi, hubka daraawiishi ay haysataa uu ahaa dhawr qori oo la ogaa Meesha ay kasoo galeen, Sayidkuna ku mashquulsanaa baraarujinta Soomaalidii ka agdhawayd degaankiisii. Waa xilli aysan weli bilaaban colaadda Daraawiish iyo reerihii gumeysiga la saftay sida darteedna aysanba jiri Karin wax dhib ah oo Sayidka reerahan uga iman kartay gar iyo gardarraba. Dabadeed, isbarbardhig ku samee hadalkan iyo hadalladii Cali Jeyte, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka Maraykanku ay saxaafadda ka jeedinayeen May 2022. Si kastaba, duullaankii Ingiriisku, billowgii horaba, waxa uu ahaa duullaan ay safka Ingiriiska ku jiraan Soomaali tol, qaraabo iyo xididba la ahaa xubnihii Daraawiish iyo khusuusigii talada hayay. Tirada dadkan ee duullaankii kowaad ka qaybgashayi waxay ahayd 1,500 askari oo ay askarta Ingiriisku ugu yeeraysay magaca “Tribal Auxiliaries – ciidanka kabka ee reeraha” uuna madax u ahaa nin magiciisu ahaa Muuse Faarax laakiin Sayidku “Ina Igarre” ugu yeeri jiray.

Ina Igarre waxa uu xilli noloshiisa ka mid ah baalashle ka ahaa magaalada Cadan oo uu xilligaa Ingiriisku haystay, waxa uuna muddo ka dib ka mid noqday ciidankii “Booliska Biyaha” ee Ingiriiska. Ujajabnaantiisa awaamiirta saraakiishii Ingiriiska oo ahayd arrin aysan uga baran Soomaalidii waqtigaas ayaa keentay in uu si fudud ku dallaco, ilaa aakhirkii loo wareejiyay magaalada Bombay ee Hindiya si uu uga hoos shaqeeyo saraakiil aan wax kalsooni ah ku qabin dadkii dhulkaas degganaa. Sida uu sheeegayo Douglas Jardine, Colonel Eric Swayne ayaa ninkan “horay usoo watay” markii uu Bambay kasoo baxayay kuna soo jeeday dhulka Soomaalida si uu u diyaariyo duullaankii kowaad ee Sayidka lagu qaaday. Ka dib duullaankii kowaad iyo ciidamadii uu reerkiisa kasoo qoray, sidii uu taliyihiisii Eric Swayne ugu hagar baxay, iyo sida guud ahaan uu u caddeeyay in walihiisa dhammaystirani uu Ingiriiska ag yaallo, waxa uu Ina Igarre noqday ninka kaliya ee Soomaali ah ee ay boqortooyadii Ingiriisku siisay darajada ‘Risaldar-Major’ oo uusan jirin shaqsi aan Ingiriis ahayn oo qaatay derajo ka sarraysa. si kale marka loo dhigo, Ina Igarre waxa uu ahaa ninkii bilowga qarnigii labaataanaad ugu Ingiriisisanaa inta aan Ingiriiska ahayn.

Waxa uu sarkaal kasta oo xilli un kasoo shaqeeyay Berbera iyo nawaaxigeedu ka marag kacay kalsoonida ay saancaddaaluhu ninkan ku qabeen, sida uu ugu dhego fududaa siyaasad kasta oo ay qaateen, iyo shaqada ay mahadiyeen ee uu uga qabtay dhanka is oggolaysiinta maamulkii gumeysiga iyo qabiilkii uu ka dhashay. “Adadkaantiisa marka shirarka la joogo, fahankiisa degdegga leh, aqoonta fiican ee uu u leeyahay shakhsiyadda qofka Soomaaliga ah, iyo awoodda uu u leeyahay helista iyo kala shaandhaynta xogaha sirta ah ayaa ka dhigtay ninka ugu mudan jagada ‘La Taliyaha kowaad ee wakiilka boqoradda’” (The Mad Mullah of Somaliland, bogga 311). Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in halka ay saaxiibbadiisii Ingiriisku ku tilmaamayaan adadayg marka uu Soomaalida la hadlayo, ay ka bixinayaan sawir midkaas kasoo horjeeda marka ay ka warramayaan qaabkii uu iyaga ula macaamili jiray. Tusaale ahaan, waxa ay haweeney lagu magacaabi jiray Frances Swayne oo qortay buugga ‘A Woman’s Pleasure Trip in Somaliland’ ka bixisay tilmaanta noocan ah: “Muuse Faarax waa nin aad u akhlaaq badan; weligi ma uusan fariisan aniga oo aan fariiso ku oran; fadhina igula muusan hadlin aniga oo taagan. Waa nin aad daacad noogu ah la shaqayntiisa uu nala shaqeeyo ayaana nooga dhigan midda ugu muhiimsan” (bogga 113-114).

Sifaha noocan ah, Jagada uu ku magacawnaa, garaadihii uu gumeysigu garbaha ugu sharraxay, iyo in uu ahaa ninka u xilsaaran qorista calooshood u shaqaysteyaasha ayaa ninkan ka dhigay hogaamiyaha Soomaalidii ka hoos dagaalamaysay calankii boqortooyada Ingiriiska ee qabiillada badan ka koobnayd. Calooshood u shaqaysteyaasha uu taliyeha u ahaa Ina Igarre waxa ay ahaayeen kulubkaan ku midoobay buuxinta safka Ingiriis, yoolkooduna ahaa kaliya helista mushaar bille ah iyo hadba wixii ‘dhacdhac’ lagu abaalmarin karay. Waxa ay ahaayeen ciidan isugu jiray fardooley reeraha laga soo aruuriyay, ciidan labbisan oo mushaari ah, waranleyaal shaqadoodu ahayd ilaalinta xoolaha kolanyada ciidanka gumeysiga, iyo jawaasiis dhulalka fogfog loo diri jiray. Sida uu ku warramayo Angus Hamilton oo 1911kii qoray buugga ‘Somaliland’, “dadkani inta badan wax gunno ah ma aysan helayn, laakiin waxaa wax laga siin jiray xoolihii cadowga lagasoo dhacayay”. Major Harald Swayne oo ay walaalo yihiin Colonel Eric Swayne ayaa isaguna buuggiisa ‘Seventeen Trips Through Somaliland’ kusoo gudbinaya aragtidii ay saancaddaaluhu ka haysteen Soomaalidii askarta u ahayd: “Soomaalida na caawinaysaa waxay dagaal kula jiraan ilma adeerradood, diintoodii, iyo dareenkii qawmiyadeed ee dadkooda.” Marka lasoo kobo, waxa ay ahaayeen baalalley aan mustaqbalka wax aragti ah ka haysan, iyo xasharaad ku gubanayay dab ay gumeysteyaal Nasaaro ahi shiteen.

Askartan iyo guud ahaan safkii Ingiriisku waxay haysteen taageerada ciidan nooc kale ah oo uu dagaalkiisu ka waxtar iyo saamayn badnaa dagaalka ciidankii hubaysnaa. Waa wadaaddadii Soomaaliyeed ee dariiqooyinkii suufiyada oo ay shaqadoodu ahayd soo saarista fatwooyin nuxurkoodu ahaa in waalligii Ingiriiska ahaa ee Geofrey Atcher uu ahaa amiir xaq ah iyo mid ka mid ah Ulul-Amriga uu quraanku amrayo in loo hoggaaansamo, halka cid kasta oo ka hortimaaddaa ay noqonaysay khawaarij iyo fitnowadeyaal dagaalkoodu waajib ahaa. Wadaaddadan waxaa ugu sarreeyay xaga mansabka wadaad la oran jiray Sheekh Ismaaciil Sheekh Isaxaaq oo dariiqada Saalixiyada inuu u sarreeyo sheegan jiray maamulkii gumeysigana u diiwaan gashanaa mushaarna ka qaadan jiray. Marka laga hadlayo kartida iyo heerka fahan ee wadaaddadan, waxaa tilmaanta ugu fiican ka bixiyay Major Harald Swayne oo intii u dhaxaysay 1885 iyo 1895 socdaallo badan ku maray dhul badan oo Soomaalidu degto: “Wadaaddadu waa saaxiibka ugu dhaw ee dhulmareenka Ingiriis ee sidayda dhulkan yimaada; waxaan siin jiray kitaab Qur’aan ah iyo Tusbax, iyaguna waxay u ducayn jireen kolonyadayda.”

Si kastaba, dagaalkii bilowday May 1901 waxa uu soo gebogaboobay February 1920. Muddo labaatan sano ah oo ay geylan, nafhur, geesinimo iyo Jihaad ku tilmaannaayeen ka dib, Daraawiish waa looga adkaaday dagaalkii caskariga ahaa. Dhulkoodii ayaa la qabsaday, xoolahoodii ayaa la bililiqaystay, dadkoodii ayaa si aan kala sooc lahayn loo laayay, dumarkoodii ayaana la qaybsaday. Sayid Maxamed oo lagasoo bilaabo 1901 sannad kasta la isku dayi jiray in ama la dilo ama lasoo qabto ayaa xanuun ugu geeriyooday degaanka Iimey, halgankii gumeysi diidka ayaana sidaa ku noqday taariikh iyo marxalad laga gudbay. Guulihii caskariga aha iyo geeridii Sayidku waxa ay farxad iyo debbaaldeg ku dhaliyeen ciidankii Kabka gumeysiga ee uu Ina Igarre taliyeha u ahaa ee muddada dheer ku taamayay in ay maalin un ka Libin helaan duubcaddii geerida u jeclaa sida ay iyagu nolosha u jeclaayeen. Maadaama farxaddoodu ku xirnayd farxadda ninka Ingiriis ee ay gunnada iyo dhacdhaca ugu shaqaynayeen, maadaama aysan lahayn aragti mustaqbal iyo ogaal taariikheed, maadaama ay u muuqatay in uu boqorkii Ingiriisku billado ku taxi doono, waxa ay isu haysteen kuwo guuleystay cadowgoodiina aasay. Laakiin, boqol sano ka dib dhacdooyinkii Taleex iyo Galbaribur, waxa ay dadka maanta nooli ka dheregsanyihiin cidda guuleysatay iyo cidda dhab ahaan taariikhdu aastay. Cidda libinta heshay iyo cidda dhab ahaan halaagsantay.

Aan eegno, tusaale ahaan, isbarbardhig uu Douglas Jardine 1924tii ku sameeyay Sayid Maxamed oo markaas saddex sano mootanaa muddo labaatan sano ahna ay ka harsan waayeen iyo Muuse Faarax oo xilligaas noolaa muddo soddon sano ahna u shaqaynayay. “Muuse Faarax waxa uu in muddo ah awaamiir iyo hadyadoba ka qaadanayay dawladda Ingiriis ee uu sida daacadnimada ah ugu adeegayay.  Hadda waa nin qani ah oo geel badan tabcaday iyo tiro badan oo ari iyo lo’ ah, wuxuuna haystaa xushmada iyo jacaylka saraakiisha ingiriiska ah… halka ay Soomaalidu ka baqdo. Waa nin faaiday wixii ay suurtagal ahayd in uu nin Soomaali ah oo Ingiriis u shaqeeyaa faaiido. Laakiin, Muuse kama fiicna wadaadkii Maxamed Cabdille Xassan. Waa run oo wadaadku wuu dhintay, Muusena wuu noolyahay. Laakiin, sida Islaamku qabo, geeridu waxba uma dhinto nin sida ninkan oo kale ah. Marka kowaad, Wadaadkani wuxuu hoggaaminayay muslimiin aaminsanaa in ay gaalo la dagaalayeen; wax asxaan ahna kama uusan helin mana uusan weydiisan Wakiilka boqortooyada ee Kiristanka ah ee uu Muuse Faarax daacadda u ahaa dhulyaqaanka, la taliyeha iyo saaxiibkana u ahaa. Marka labaadna, halka ay awoodda Muuse Faarax ku salaysantahay go’aannada iyo rabitaanka dawlad shisheeye, Wadaadkani wuxuu haystay rag walaalladi ah oo cidda uu ‘iga hor dhaqaajiyaa’ ku dhaho madaxa ka jiri jiray” (The Mad Mullah of Somaliland, bogga 311).

Markale, asaga oo dhan ka qiraya dadnimadii Sayidka dhanna ku eedaynaya eedo been abuur ah, waxa uu isla qoraagani dhammaadka buuggiisa ku leeyahay: “Marka indhaha Yurubiyaanka lagu eego, waa in ninkan laga soo qaado mooryaan soo jiidasho leh. Dhanka kale, waxa uu weligi ku noolaan doonaa quluubta Soomaalida asaga oo halyeey ah. Si taa ka duwanna, haddii ay boqortooyada Ingiriisku go’aansato in ay berri dhulkan ka baxdo, Muuse Faarax wuxuu ku qasbanaan doonaa in uu waddanka isaga cararo uuna ka haajiro wixii uu tabcaday intii uu Wakiilka boqortooyada u shaqaynayay. Haddii uusan cararin, waxaa shaki la’aan ah in la dilayo maadaama uu shaqadii uu Ingiriiska u hayay cadow badan dadkiisa uga kasbaday.” Meel kale waxa uu ku leeyahay: “Inkasta oo uu dhiigyacab ahaa, kama uusan suulin, xittaa marka ay awooddiisu meeshii ugu hoosaysay gaartay, in uu ahaa hoggaamiye ay dadka taabacsani magaciisa ku faanaan haddii dagaal lagu jiro iyo haddii ay maxaabiis noqdaanba. Waxaana jirta arrin kale oo uu ku sifaysnaa oo ay tahay in uu qofkastaa wadaadkan ku jeclaado: sidii uu ugu dheganaa yoolkiisii oo uusan marna uga tanaasulin… iyo in aysan jirin dhibaato soo gaartay oo ku keentay in uu hankiisu liico.”

Ka sokow, sidaa darteed, guuldarradii caskariga ama maaddiga ahayd ee ay la kulmeen, waxa ay Sayid Maxamed iyo Daraawiishi gaareen guul ku taagnayd saddex tiir: 1 – in ay ku dhinteen mabda’ii xaqa ahaa ee ay u istaageen, ilaa ay askartii gumeysigu warinayso in ciidankii Taleex iyo Galbaribur ku sugnaa marka la dukheeyay ay meeshoodii difaac ka xirteen ayna dagaalamayeen ilaa ninkii u dambeeyay la toogto. 2 – in ay noqdeen cidda magacoodii, nafhurkoodii, iyo qadiyaddoodii ay taariikhdu sharaftay halka uu cadowgoodii noqday kuwa taariikhdu nacladayso jinsiyad kasta oo ay lahaayeen, Soomaali iyo qayrkeedba. 3 – in cadowgoodii uu guusha dhabta ah, hufnaanta mabda’oodii iyo kartidoodiiba u qiray halka ay, tusaale ahaan, Soomaalidii Ingiriiska u shaqaynaysay aysan wax ammaan iyo tazkiyo ah ka helin saaxiibbadoodii ay adduunkoodii iyo aakhiradoodiiba ka gateen.

Taariikhdu waa iyada isisoo celisa e, maanta taariikhdu waa March 2025, waxaana socda dagaal si kasta ula mid ah dagaalkii ay Sayidka iyo Ingiriisku isku farosaareen biloqga qarnigii lasoo dhaafay. Dagaalkani waxa uu u dhexeeya Imbaraadooriyadda Casrigan ee Maraykan oo hormuud u ah xulafo boqolkiiba boqol la mid ah tii uu Ingiriisku shalay horkacayay iyo xaq u dirir Soomaaliyeed oo u istaagay in ay damaca gumeysiga cusub ‘MAYA’ uga jawaabaan. Waa dagaalkii shalay oo u dhexeeya raggii shalay, kuna saabsan asbaabtii iyo yoolalkii shalay. Maraykan yoolkiisu waa mid cad (boobka kheyraadka, doorinta mujtamaca, fidinta diimaha baadilka ah iyo diin la’aantaba), yoolka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaabna sidoo kale waa mid cad (xoraynta dhulka Muslimiinta iyo hirgalinta dawlad Muslimad ah). Si la mid ah ciidankii uu Ina Igarre shalay taliyeha u ahaa, cidda uusan yoolkoodu caddayni waa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Macawisleyda noocyada badan ee uu taliyeha u yahay, ee waxa kaliya ee u muuqdaa ay yihiin 100ka Dollar ee ay calaa shakhsi safaaradda Maraykanku u ballanqaaday 3 sano ka hor. Waa cidda aan wax aragti ah ka haysan mustaqbalka iyo meesha ay taariikhdu magacooda ku qori doonto; cidda haddii uu Maraykan go’aan ku gaaro in uu berri ciidamadiisa la baxo ku qasbanaan doonta in ay waddanka isaga cararto. Cidda aysan sinnaba suurtagalka ahayn inay guuleysato.

Cidda uusan yoolkeedu caddayni waa dhallinyarada Soomaaliyeed ee iyada oo difaacaysa xerooyinka Amisom iyo Africom ay madaxa xabbadda mujaahidiintu uga dhacayso, halkaana ku aasmaya. Inta aan akhrinayay buugaagta ay saraakiishii Ingiriisku qoreen, arrinta iigula murugada badnayd ee aan dagaaladaas ka akhriyaa waxay ahayd tilmaan uu Douglas Jardine ka bixinayo qaar ka mid ah Soomaalidii gaalada la socotay ee ku dhimatay dagaalkii Ruuga ee Richard Corfield lagu dilay. “Maydka labadii addoon ee Ricard Corfeild ayaa kiisa ag yaallay. Khaadimkiisii daacadda u ahaa ee Ducaale la oran jiray oo dagaalka ka hor siddeed sano u shaqaynayay ka dibna Nigeria u raacay, bilowgii dagaalkana lasoo laabtay, ayaa muddo ku dagaalamayay maydka Sayidkiisa, ilaa uu markii dambe ka dul dhacay asaga oo ay jirkiisa xabbadii jarjartay” (The Mad Mullah of Somaliland, Bogga 227). Ducaale wuxuu ahaa Soomaali markiisii hore dhadhamo raac ahaa, ka dib la qabsaday bahdilkii gumeysiga, ka dib uu yoolka noloshiisu noqday u khidmaynta gaal Nasraani ah oo dadkiisii kusoo duulay, ilaa daqiiqaddii ugu dambaysay noloshiisana u dagaalamayay. Nasiib darro, maanta waxaa jirta kumannaan Ducaale oo maydka askarta Maraykanka iyo Xabashida iyo Amisom ku dul dhimanaya sida ay uga kordagaalamayaan.

Ugu dambayntii, waxa aan kusoo gebogebaynayaa labo qodob oo mid ay Sayidka kasoo wariyeen wadaaddadii uu maamulkii gumeysigu ergo ahaanta ugu diray bishii April 1920, midna ay ka mid tahay hees hawleeddii Daraawiishta halhayska u ahayd. FG: Wadaaddadan Sayidku wuu diiday inuu la hadlo oo horfariisto ilaa ay oggolaadeen in uu shahaadada u qabto.

1 – “Ninkan ay Risaldarka ugu yeeraani waa gaal. Kuwa darajada Jemadarka sitaa waa gaalo. Kuwa Havildarka loo yaqaannaa waa gaalo. Kuwa ugu hooseeya derajada ciidanka Ingiriisku waa gaalo. Boolisku waa gaalo. Mid kasta oo koofiyad guduudan ku labbisani waa gaal. Kuwa awrta u wadaa waa gaalo. Kuwa billadaha la siiyay waa gaalo, kuwa garaaddaha garbaha ku sitaana waa gaalo. Kuwa surwaallada iyo jaakadaha Kiristanka xirani waa gaalo, kuwa la fariistaana waa gaalo.”

2 – “Ninkii tegay diintu tebi maysee, dadoow yaan Ferenji kuu talin”

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.