Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsMaraykanka oo Caalamka Kusoo Rogay Canshuurtii Ugu Badneyd Mudo Sanado ah.

Maraykanka oo Caalamka Kusoo Rogay Canshuurtii Ugu Badneyd Mudo Sanado ah.

Waxaa dhaqangalaya dagaalka ganacsiga ee uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaa Maraykanka Donald Trump, kaasoo sheegay in canshuuro tirobadan oo kusoo rogi doono badeecadaha lasoo geliyo dalka Maraykanka.

Maalintii shalay oo Arbaco ahayd ayuu dhaqangalay qaraarka kasoo baxay Donald Trump ee ahaa in canshuur dhan 20% lagu soo roggayo badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka Maraykanka, arintan oo lagu tilmaamay caqabad xoogan oo soo wajahday ganacsiga adduunka.

Haweeney u hadashey Aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa sheegtay saacado kahor dhaqangalka qaraarka, in Trump uu yahay madaxweynaha ku guuleystay meelmarinta go’aanno masiiri ah, oo ay ku dhiiran waayeen madaxdii soo martay Maraykanka.

Qoraal dhankiisa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump soo dhigay barta uu isagu leeyahay ayuu ku sheegay, inay tahay maalintii xorriyada Maraykanka, isagoo ula jeeda dhaqangalka qaraarka canshuuraha xad dhaafka ah kusoo rogaya badeecadaha dalkaas la geeyo.

Awoodaha kale ee kula loolamaya dunida sida Shiinaha iyo Ruushka ayaa la filayaa iney qaadaan tallaabo jawaab ah canshuurta xad dhaafka ah, waxaana khubarada ka faallooda arimaha ganacsiga tilmaamayaan inuu billowday dagaalka ganacsiga adduunka, kaasoo culeesyadiisa wadan doona.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.