Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah uga walaacsan xaaladda cakiran ee ka taagan koonfurta dalka Suuriya, iyada oo sheegtay in dagaalada qaba’iilka ee ka dhex qarxay beelaha Carabta iyo qaymiyada Duruuzta ay abuureen fursad ay ka faa’iidaysan karaan ururada jihaadiga ah, taas oo keeni karta in xooggaga qabaa’ilka carabta ah ay u gudbaan dhulka ay Yahuuddu xoogga ku haysato ee Falastiin.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marko Rubiyo, ayaa shalay Sabtidii ku baaqay in dowladda Suuriya ay ka hortagto in xubno ka tirsan jihaadiyiinta caalamku ay galaan koonfurta dalkaas, iyaga oo wata shaar qabiil, kana qayb qaataan dagaalada ka holcaya gobalka Suwaydaa.
Rubiyo ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in Mareykanku uu si dhaw ula socdo xaaladda ka taagan gobalka, isaga oo sheegay in Waashitoon ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay xiriirro toos ah la lahayd Yahuudda, Urdun iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suuriya, si ay uga wada hadlaan xaalada halista ah ee ka jirta gobolka Suwaydaa.
Magaalada Suwaydaa iyo nawaaxigeeda ayaa tan iyo Isbuucii lasoo dhaafay martigelisay dagaallo culus oo u dhexeeyay qabiilo Carbeed iyo maleeshiyaad kasoo jeeda Duruuzta, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac baahsan. Dowladda Suuriya ayaa shalay Sabtidii ku dhawaaqday in la hakiyay dagaaladii ka socday gobalka, kaddib markii ciidamadeeda ay dib uga howl galeen magaalada si loo sugo amniga.
Maamulka dhiigyo cabka ah ee Yahuudda ayaa isku dayaya inuu nidaam madax banaan ka samaysto gobalka Suwaydaa, kaas oo uu iska xejiyo muslimiinta ku dhaqan wadanka Suuriya, hase ahaatee dadka Suuriyaanka ah ayaa kasoo horjeeda in lakala gooyo gobalada dalkaas, waxaana isasii taraya baaqyada ay soo saarayaan dawladaha reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykanka oo ka cabsi qaba in Qabaa’ilka muslimka ah ee Suuriya ay gaaraan dhulka Jawlaan oo ah qayb ka tirsan dhulka Suuriyo oo ay Yahuuddu xoog ku haysato. Isku Xirnaanta Tobanaanka ku Kun ee Muslimiinta ah ayaana walwal iyo cabsi xooggan ku furtay Yahuudda.
Midan ayaana fariin u diraysa dawladaha reer galbeedka, taas oo banaanka keentay qiirada iyo radu ficilka ay dadka muslimiinta ah ugaga dhiidhiyeen xasuuqa ay Daruuziyadu kula kacday dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gobalkaas.