Sunday, June 22, 2025
HomeAll NewsMaraykanka oo Cunaqabatayn Kusoo Rogay Shirkado Lagu Eedeeyay Inay Taageeraan Iiran.

Maraykanka oo Cunaqabatayn Kusoo Rogay Shirkado Lagu Eedeeyay Inay Taageeraan Iiran.

Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Iiran, iyadoo bartilmaameedsatay 8 shirkadood oo laga leeyahay dalkaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen helitaanka qalab casri ah oo ay isticmaalaan warshadaha difaaca ee xukuumada Iiran.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah culaysyada joogtada ah ee ay dawladda Maraykanku ku xannibayso horumarka ballaaran ee ay Tehraan ku kobcinayso awoodeed dhanka Nukliyeerka, tiknoolajiyada, gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Tallaabooyinkan cusub ee uu Mareykanku qaaday ayaa imaanaya xilli xiisadaha gobolka ee Bariga Dhexe ay cirka isku shareen. Waashitoon ayaana qaadaysa talaabo kasta oo ay ugu hiilin karto maamulka Yahuudda, iyadoo khubarada falanqeeya siyaasadda caalamka ay sheegayaan in uu Maraykanku doorbiyadayo dagaalka siyaasada iyo midka dhaqaalaha halkii uu qaadi lahaa dagaal toos ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.