Wednesday, April 16, 2025
HomeAll NewsMaraykanka oo ku Dhawaaqi Doono Heshiis Nukliyeer ah oo uu la Galay...

Maraykanka oo ku Dhawaaqi Doono Heshiis Nukliyeer ah oo uu la Galay Aala-Sucuud.

Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday, in ay Boqortooyada Sucuudiga la galayso heshiis iskaashi oo taariikhi ah, kaas oo Boqortooyada u ogalaanaya samaysashada tamarta Nukliyeerka, in kastoo ay jiraan siyaasado qarsoon oo uu Trump ka leeyahay iskaashigan cusub ee uu lagalay Sucuudiga.

Xoghayaha waaxda Tamarta ee Maraykanka ninka lagu magacaabo Chris Wright ayaa sheegay, in Washington ay dhawaan ku dhawaaqi doonto faahfaahinta heshiis iskaashi oo Nukliyeer ah oo  ay lagaleen boqortooyada  Riyaad.

Mas’uulkan Ameerikaanka ah ayaa maalmihii u dambeyay ku sugnaa dalka Sucuudiga, wuxuuna sheegay, in horumarinta tamarta Nukliyeerka ay muhiimad gaar ah u leedahay Boqortooyada Sucuudiga,  booqashadan ayaana ka tarjumeysa siyaasada cusub ee uu maamulka Trump doonayo inuu ku wajaho Khaliijka carabta.

Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inuu saxiixo heshiis iskaashi oo dhanka tamarta Nukliyeerka ah toddobaadyo gudahood, waxaana laga yaabaa in is afgarad kale oo lagu hormarinayo heshiiskan uu isna dhaco bilaha soo socda, dhamaan heshiisyadan Nukliyeerka ayay dawladda Maraykanku ka leedahay siyaasado fog oo salka ku haya in Sucuudigu uu aqoonsado kayaanka Sahaayinada ee xooga ku haysta dhulka Falastiin.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo Maraykanku uu wado kulamo uu la yeelanayo madaxda Iran, si ay u joojiyaan barnaamijka Nukliyeerka. Trump ayaana isbuucii lasoo dhaafay soo saaray amar ah inuu Iran talaabo militari ka qaadi doono hadaysan hakin samaysashada hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, taas oo boqortooyada Sucuudiga u cadaynaysa in heshiisyadan uu Maraykanku la galayo ay noqon doonaan wax afka baarkiisa ah, kaddib marka laga saxiixdo dhamaan danaha uu Trump ka leeyahay arrintan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.