Wararka laga helayo waqooyiga bari dalka Suuriya ayaa sheegay, in kolonyo aad u badan oo ah gaadiid milatari ayaa si lama filaan ah uga baxeen saldhigyo ku yaalla gobolka Hasakah ee dalka Suuriya, iyaga oo u gudbay dhinaca xadka Ciraaq, gaar ahaan marinka Al-Waleed. Kolonyadan ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen ku dhowaad 100 gawaari oo milatari oo siday qalab ciidan iyo agabyo la xiriira hawlgalka isbahaysiga caalamiga ah ee uu Maraykanku hoggaamiyo.
Ilo maxalli ah iyo warbaahino gudaha ah ayaa sheegay, in kolonyadaasi ay dhaqaaqday waaberigii Talaadada, iyada oo kasoo insixaabay laba saldhig oo muhiim ah oo kala ah: Tel Bideer iyo saldhig kale, kuwaas oo ku yaallay waqooyiga gobalka Hasakah. Ka bixitaankaasi ayaa sababay in uu gabi ahaanba yaraado joogitaanka ciidamada Maraykanka ee degaankaas, waxaana tallaabadan lagu sheegay mid muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah oo ay wadaan ciidamada Maraykanka, kuwaas oo dalkan Muslimka ah ku sugnaa tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Warbixino hore oo ay baahisay wakaaladda Roytaris ayaa muujinayay, in Maraykanku horey uga baxay laba saldhig oo kale oo ku yaalla waqooyi bari dalka Suuriya, taas oo sare u qaaday xawaaraha qorshihii dhimista joogitaanka ciidamada.
Maraykanka oo ku dhawaad 10 saldhig ku lahaa dalka Suuriya ayaa haatan kaga sugan 3 saldhig oo kaliya, kuwaas oo ay ku sugan yihiin qiyaastii 500 oo askari oo kaliya, waxaana la saadaalinayaa in Maraykanku uu qorshaynayo inuu sii dhimo.
Tallaabadan ayaa loo fasiray mid ka tarjumaysa insixaab degdeg ah iyo isbedel siyaasadeed oo uu uu Maraykanku ku doonayo inuu kaga luga laabto dagaalka daba dheeraaday ee uu kaga jiray dalka Suuriya. Falanqeeyayaasha ayaana aaminsan in culaysyada ay Washitoon kala kulamayso furimaha ku furan ay wax badan ka badaleen istaraatiijiyadii uu ku wajahayay gobalka ay ugu magac dareen Bariga dhexe, iyaga oo haatan qorshaynaya sidaad si lamid ah oo ay uga insixaabaan wadamada Geeska Afrika.