Dowladda Mareykanka ayaa taageertay dadaalka dulmiga ku dhisan ee ay wado Dowladda Xabashida Itoobiya, kuna dooneyso in ay ku qabsato qeybo kamid ah Badda Cas si ay dakad u hesho.
Xukuumadda Washington ayaa waxa ay shaaca ka qaaday iney si buuxdo u taageersan tahay, dadaalka dulmiga ku dhisan ee ay wado Dowladda Xabashida Itoobiya ee ku aaddan sidii ay uheli hali laheed marin badeed ay Xabashidu ku taamayaan mudada fog.
Isagoo wareysi siinayay wakaalad wareed laga leeyahay Itoobiya, ayuu safiirka Mareykanka u fadhiya Adis Ababa ninka lagu magacaabo Ervin Massinga sheegay, in ay si buuxda u taageerayaan sidii ay Itoobiya dekad u heli laheyd, arrinkaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarka dhaqaale ee xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed.
“Dalka sida Itoobiya oo kale ah, oo leh koboc dhaqaale iyo dad badan, marin u helidda ganacsiga badda ,ma ahan oo kaliya arrin muhiim ah ee waa mid lama huraan ah,” ayuu yiri Ervin Massinga safiirka Mareykanka u fadhiya Dowladda Xabashida Itoobiya.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay, in dekad ay hesho Dowladda Xabashida Itoobiya iyadoo adeegsaneyso ganacsi, diblimaasiyad iyo qaab nabadeed ay tahay mudnaanta koowaad, Mareykanka iyo safaaraddiisana ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda qorshahaas.
Safiirka ayaa intaasi ku daray, in Mareykanku uu Itoobiya ku garab taagan yahay xusulduubka ay ugu jirto sidii ay dekad ku heli laheyd, taas oo uu ku tilmaamay mid muujineysa isku xirka adag ee Mareykanka iyo istaraatiijiyadda Itoobiy ee ku aaddan mandiqadda geeska Afrika.
Xukuumadda Washington ayaa waxa ay sidoo kale shaaca ka qaaday, in Itoobiya aysan ku taageereyn oo kaliya helidda marin badeed, balse ay ka taageerayaan waxa ay ugu yeertay la dagaalanka “Argagixisada” oo halis ku heysa damaca gurracan ee ay Itoobiya ugu jirto boobka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa geeska Afrika.
Mareykanka ayaa horay walaaac uga muujiyay damaca Xabashida Itoobiya ee ku aaddan qabsashada qeybo kamid ah Badda Cas si ay dakad u hesho, xukuumadda Washington ayaana si gaar ah utaageeta Itoobiya, maadaama ay sheegato iney kiristanka caalamka ku matasho geeska Afrika.