Thursday, June 19, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Ugu Yaraan 30 Diyaaradood oo Millatari u Wareejiyay Qaaradda Yururb.

Mareykanka oo Ugu Yaraan 30 Diyaaradood oo Millatari u Wareejiyay Qaaradda Yururb.

Dowladda Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay qaaday talaabooyin milatari oo ballaaran, kaddib markii ugu yaraan 30 diyaaradood oo ah nooca qaada shiidaalka diyaaradaha laga raray saldhigyo ku yaalla gudaha Maraykanka, loona wareejiyay xarumo ciidan oo ku kala yaalla dalalka Isbayn, Iskodlaand iyo Igland. Sida ay sheegtay shabakada warbaahineed oo caalami ah.

Diyaaradahan oo dhammaantood ah nooca KC-135 ayaa loogu talagalay in ay hawada shidaal ku siiyaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, taas oo muujinaysa diyaargarow ballaaran oo ay Waashitoon ugu jirto dagaal culus oo ka qarxa mandiqada Bariga dhexe.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo maamulka Maraykanku uu isku dayayo inuu si buuxda uga qayb qaato dagaalka ay Yahuuddu kula jirta Xukumada Shiicada ah ee Iiraan, Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin badan oo ka tirsan maamulka Maraykanka ayaana si toos ah u diidan ka mid noqoshada Maraykanka ee dagaalkan, taas oo ay ku muujiyeen inay soo dadajinayso burbur ku yimaada awoodooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.