Galabnimadii shalay diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeymo kala duwan ka fuliyay gobollo kamid ah dalka Yaman, kuwaasoo ay ku dileen tiro dad ah qaar kalena ku dhaawaceen.
Magaalooyinka ay duqeeyeen waxaa kamid ah Sancaa’ oo ah caasimadda wadankaasi, waxaya duqeyntan la beegsadeen sida ay sheegaaan ilo xog ogaal ah, guri ay degan yihiin dad shacab ah.
Ugu yaraan 4 qof ayey halkaasi ku dileen halka ay ku dhaawaceen 13 oo ay ku jiraan caruur, waxayna duqeymaha ka dhacaya Yaman ahaayeen maamlihii lasoo dhaafay kuwo isdabajoog ah.
Dhanka kale isla gobolka Sacdah oo katirsan Yaman ayuu Mareykanku shalay ka geystay duqeymo dhowr ah, balse lama soo sheegin waxyeello ka dhalatay.