Thursday, May 8, 2025
HomeAll NewsMareykanka & Dowladda Fedaraalka oo ka Shiray Fashilka ka Heysta Dagaalka Al-Shabaab.

Mareykanka & Dowladda Fedaraalka oo ka Shiray Fashilka ka Heysta Dagaalka Al-Shabaab.[SAWIRRO]

Masuuliyiin Ameerikaan ah iyo kuwa katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ka hadlay guuldarrooyinkii kasoo gaaray furimaha dagaalka.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay masuuliyiin Ameerikaan ah iyo kuwa katirsan Dowladda Fedaraalka oo uu ugu horreeyo Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.

Masuuliyiinta Ameerikaanka ah ee la kulmay Xasan Sheekh ayaa waxaa hogaaminayay Taliyah Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika magacoodana loosoo gaabiyo (AFRICOM) Jeneraal Michael Langley, iyo safiirka Mareykanka u fadhiya Dowladda Fedaraaalka.

Kulanka ayay xoguhu tilmaamayaan in si weyn loogu canaantay masuuliyiinta Dowladda Fedaraalka, Mareykankana uu muujiyay sida uu uga xun yahay fashilka xagga dagaalka ah ee ay wajaheyso dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Jenaraaal Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan kasoo firxaday weerarkii ka dhacay degmada Aadan Yabaal ayaa goobjoog ahaa kulanka, waxaana dhammaan marka aad eegto wajiyada xubnahaan shiray kuu muuqanaya iney yihiin kuwa ay murugo haraysay, islamarkaana ay ka walaacsan yihiin sida ay wax ku socdaan.

Marka aaad loo eego sawirrada laga soo qaaday shirka Xalane ku dhexmaray Masuuliyiin Mareykanka ah iyo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, waxaa laga dareemayaa waji gabax iyo in si adag la isku canaantay, Xasan Sheekh ayaana la arkayay isagoo kaamirada iska dadbaya.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu aad ugu calaacalay Mareykanka, waxaana wararku ay sheegayaan inuu Ameerikaanka kala hadlay, muhiimadda ay leedahay taageerada ay Xukuumadda Washington ku bixineyso duullaanka ay Shisheeyuhu ka wadaan Soomaaliya.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in kulankaan uu yahay mid muujinaya quusta ay Shisheeyaha ka taagan yihiin xaaladda hubanti la’aanta ah ee ay wajaheyso Dowladda Fedaraalka, iyadoo ay isa soo tarayaan warbixinnada ay qorayaan warbaahinnada caalamka si kuwa reer-galbeedka ee ka digaya xaaladda amni ee ay hadda ku sugan tahay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh, iyo in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegto guud ahaan Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warka Kulanka

Hoos ka Daawo Sawirrada Kulanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.