Dawladda Maraykanka ayaa soo saartay war rasmi ah oo tilmaamaya cunaqabatayn cusub oo lagu soo rogay dowladda Iiraan, iyadoo ay socdaan wareegii afraad ee wadahadallada labada dal, kuwaas oo salka ku haya barnaamijka hubka Nukliyeerka ee Tehran.
Cunaqabateyntan cusub ayaa lagu bartilmaameedsaday saddex muwaadin oo u dhashay dalka Iiraan iyo shirkad farsamo oo lagu magacaabo “Adhiil Faakuum” oo si dhow ula shaqeysa Hay’adda Cilmi-baarista difaaca ee Iiraan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, Markoo Rubiyo, ayaa sheegay in Iiraan ay si xowli ah u ballaarinayso barnaamijkeeda Nukliyeerka, iyadoo ka shaqaynaysa cilmi-baaris balaaran oo laga yaabo in loo adeegsado samaynta hubka wax gumaada. Waxa uu intaa ku daray in Iiraan ay tahay waddanka kaliya ee aan haysan hub Nukliyeer ah balse isku dayaya inuu helo Yuraaniyaam aad ubadan, taas oo gaaraysa illaa boqolkiiba 60%. Isku dayadaan ayaa khilaafsan heshiiskii la galay sanadkii 2015-ka, sida uu sheegay Rubiyo.
Wadahadallada u socda labada dhinac ayaa socday tan iyo bishii hore, taas oo la doonayo in laga gaaro heshiis cusub oo looga hortago in Iiraan hesho hub Nukliyeer ah. Inkastoo wax horumar muuqda aan laga gaarin wareegga afraad ee wadahadallada, haddana labada dhinac ayaa muujiyay ififaalo u muuqtaa mid dagan.
Dowladda Mareykanka waxay shaacisay in dhammaan hantida dadka iyo hay’adaha cunaqabateynta la saaray ee ku sugan gudaha Mareykanka la xayiray, sidoo kalena la mamnuucay la macaamilka hay’adahan.
Arrintan ayuu Maraykanku ku talaabsaday iyadoo uu doonayo in uu xoojiyo dadaallada uu ku doonayo inuu dib ugu laabto heshiis rasmi ah oo Iiraan looga celinayo qorshaheeda Nukliyeer, inkastoo ay wali jirin Isfahan toos ah. Halka madaxda Iiraan ay marar badan shaaciyeen inaysan ka tanaasuli doonin barnaamijkooda Nukliyeerka.