Wednesday, April 9, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Dad Shacab ah Ku Dilay Duqeymo uu ka Geystay Dalka...

Mareykanka oo Dad Shacab ah Ku Dilay Duqeymo uu ka Geystay Dalka Yaman.

Maalintii shalay waxaa dalka Yaman ka dhacay duqeymo aan lo meel dayin oo ay dowladda Mareykanka ka geystay magaalooyin katirsan wadanka Yaman.

Magaalooyinka ay duqeeyeen waxaa kamid ah caasimadda Sancaa’ iyo magaalada Sacdah, waxayna halkaasi ku dileen illaa 6 ruux oo ay ku jiraan haween halk ay dhaawaceen 32 kale oo ay caruur iyo dumarba kamid yihiin.

Sido kale illaa 9 gentaal ayey saacadihii lasoo dhaafay xukuumadda Washington la beegsatay magaalada Al-Xudeyda ee dhacda Galbeedka wadanka Yaman, halkaasi oo ay maamulaan kooxda Xuuthiyiinta.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney la dagaallameyso malleeshiyada Xuuthiyiinta, balse waxay xasuuq daran ku haysa shacabka dalka Yaman, maadaam kooxdan iyo shacabkuba isku dhexjiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.