Dowladda Mareykanka ayaa digniinno udirtay ciidamada Dowladda Xabashida Itoobiya iyo jabhadaha hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda xukuumadda Adis Aababa, iyadoo dagaallo horleh ay ka dhaceen gudaha dalkaas.
Safaaradda ay Dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Adis Aababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa soo saartay, warsaxaafadeed ay digniin ugu direyso xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed iyo maleeshiyaadka kasoo horjeeda Dowladda Xabashida Itoobiya.
Mareykanka ayaa labadaan dhinac ku amray iney joojiyaan dagaallada, islamarkaana la xoojiyo hishiisyo dhexmara jabhadaha hubeysan iyo Dowladda Xabashida Itoobiya, isagoo sidoo kale sheegay in dagaallada ka socanaya Itoobiya ay xaalad halis ah sii galinayaan dalkaas.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay safaaradda Maretkanka ee dalka Itoobiya ayaa kusoo aadaya, iyadoo weeraro culus oo khasaare xooggan geystay ay usbuucii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Fano iyo ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya ku dhex-mareen deggaanno ka tirsan gobolka Amxaarada ee gudaha Itoobiya.
Deggaanno ay ka mid yihiin waqooyiga Shawa, bariga iyo galbeedka Gojjam iyo sidoo kale deggaannada Gondar, Armachicho, Genete iyo Ajire Janora ayaa lagu soo warramayaa iney ka dhaceen weeraradaan, kuwaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyey ciidanka Xabashida Itoobiya.
Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Itoobiya ayaa soo tabineysa, in dagaalladaan oo qaarkood socday dhowr maalmood oo xiriir ah dhegta dhiigga loogu daray, boqollaal askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda Xabashida Itoobiya iyo mas’uuliyiin hoos-tagayay Xukuumadda Adis Ababa.