Dowladda Mareykanka ayaa diiday maalgelinta ciidamada shisheeye ee ku duulay Soomaaliya, halka Qaramad Midoobayna ay sheegtay cabsi la xiriirta suurta galnimada burburka hawlgalka magaciisa loosoo gaabiyo AUSSOM, sababo la xiriira dhaqaalo la’aan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa sheegay, in Soomaaliya aysan ku habooneyn, in lagu tijaabiyo nidaamka isku dhafka, ee maalgelinta ciidamada shisheeye, kuwaasoo Soomaaliya joogay tan iyo sanadkii 2007-adii.
Dhanka kale waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa15 bisha soo socota ee May qorsheynaya, inuu qabto kulan loogu hadlayo maalgelinta ciidamada shisheeye.