Diyaaradaha Mareykanka ayaa xalay duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday fariisimaha ay kooxda Xuutiyiintu ku leeyihiin gobalada Sanca iyo Xudeydah, Iyadoo qaraxyo waaweyn la maqlay xarumo iyo saldhigyo ay talis ku leeyihiin Xuutiyiinta, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo wareedyo ku sugan Yemen ayaa sheegay, in duqeymaha Mareykanka ay beegsadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee bartamaha magaalada Sanca, waxaana saddex weerar lala beegsaday Saldhig ku yaalla buurta Nuqum. Ilo wareedyo kale ayaa xaqiijiyay, in duqeymahan ay bartimamedsadeen bakhaarro iyo godad ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin xerada Al-Jumaimah ee bariga magaalada caasimada ah ee Sanca.
Wararka ayaa intaas ku daraya, in duqeymo kale oo uu Mareykanku la beegsaday fariisimo ay Xuuthiyiintu leeyihiin ay ka dhaceen deegaanka Bani Hashish ee waqooyi bari Sanca, dhanka kale warbaahin xiriir la leh kooxdan ayaa sheegtay, in saddex qof lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay xarunta madaxtooyada Al-nahdain ee degmada Al-Sabciin ee magaalada Sanca.
Duqayntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Xuutiyiintu ay goor sii horeysay oo shalay arbacadii ah ay ku dhawaaqeen, in dadka ku dhintay duqaymaha uu Maraykanku ka fuliyay gobolka xeebta ee Xudeydah ay kor u dhaafeen 12 qof oo u badan dad shacab ah.
Maraykanka ayaa wada dadaadlo uu ku doonayo in uu ku wiiqo awooda kooxda Xuuthiyiinta, kaddib markii ay dib u bilaabeen hawgaladooda Badda cas, iyagoo beegsanaya maraakiibta uraran Yahuudd iyo Maraykanka, hawlgaladan ayaana hakad galiyay marinkan oo boqolkiiba 12 uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha aduunka.