Tuesday, April 8, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Duqeeyay Yeman & Xuuthiyiinta oo Markab Weeraray.

Mareykanka oo Duqeeyay Yeman & Xuuthiyiinta oo Markab Weeraray.

Saacadihii lasoo dhaafay dowladda Mareykanka ayaa duqeymo ka dhacay dalka Yaman la beegsatay saldhigyo ay malleeshiyada Xuuthiyiintu ku leeyihiin qeybo kamid ah dalkaasi Yaman.

Weeraradan dhanka cirka ah ayaa si gaaar ah kaga dhacay magaalooyin katirsan gobollada Xajah iyo Sacdah ee wadanka Yaman.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa dhankooda qirtay jiritaank duqeymahan, waxayna sheegeen in meelaha la duqeeyay ay kala yihiin, mandiqadda Dhakhiyah ee katirsan degmada Mijaz ee gobolka Sacdah, oo ay ka dhaceen duqeymo sedax ah, iyo mandiqadda Baxiis ee katirsan degmada Miidii ee gobolka Xajah oo dhacay Waqooyi Galbeed Yaman.

Lama soo tabin illaa iyo hadda wax khasaare nafeed oo ka dhashay duqeymahan ay Yaman ka fulisay xukuumadda Washington.

Dhanka kale kooxda Xuuthiyiinta ayaa mar kale weeraro kala duwan oo isugu jira  sawaariikh duqeyn dhanka cirka ah iyo hub kale ku beegsady Markab diyaaradaha xambaaraha oo ku sugan badda Cas.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa Harry Truman, waxaana iska leh dowladda Mareykanka, muddo 72 saacadood gudahood ah, waa weerarkii afaraad oo uu la kulmayo, kagana imaanaya dhanka malleeshiyadan taageerada ka helay Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.