Kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegtay, in duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen warshad ku taalla galbeedka magaalada caasimadda ah ee Sanca, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaaray dad rayid ah.
War qoraal ah oo ay soo saareen garabka caafimaadka ee taabacsan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay, in kooxaha difaaca madaniga ah iyo kuwa gurmadka degdegga ahba ay ku hawlan yihiin baadigoobka dhibbanayaasha iyo daminta dabka ka kacay warshadda lagu bartilmaameedsaday duqeymaha Mareykanka.
Sidoo kale galabnimadii shalay oo Axadda ahayd ayay ku dhawaaqeen, in lix qof ay ku dhinteen, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen saddex duqeyn oo diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen Warshada ku taalla degmada Bani Madhar oo ah degmada ugu dadka badan ee gobolka Sanca.
Dhanka kale, Kooxda ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamadooda ay hawada Yemen ku soo rideen diyaarad Daroon ah oo uu leeyahay Mareykanka, taas oo weerar ku ahayd goballa ka tirsan dalkaas.
Afhayeenka xogaggaas ninka lagua magacaaba Yaxya Saree, ayaa sheegay, in gobolka Xajjah ee dalka Yemen ay kusoo rideen diyaarad aan duuliyaha lahayn oo nooceduna ahaa MQ-9, taasi oo ay leedahay dowladda Maraykanka.
Waxa uu intaasi ku daray ,in diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ay tahay tii afaraad oo ay kooxdu soo riddo muddo laba toddobaad gudahood ah, halka ay noqonaysa tii 19-aad oo ay soo ridaan tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Mareykanku ee ka dhanka goobaha ay Xuutiyiinta ka maamulaan dalka Yemen.
Arimahan ayaa kusoo aadayo, iyadoo Xuutiyiinta ay galabnimadii shalay gantaallo ku garaaceen magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus ee ku hoos jira gumaysiga Yahuddaa. Kumanaan kamida shacab Yahuudda ayaana u orday dhanka godadka laga galo gantaallada kadib markii seeriga digniinta bixiyo laga maqlay labadaasi magaalo.