Aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, in madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu saxiixay amar lagu dhimayo ama meesha looga saarayo canshuuraha saaran Shiinaha, iyadoo lagu saleynayo wadahadalladii dhawaan labada dhinac ku dhexmaray dalka Iswisir-land.
Taraam oo la hadlay saxaafadda galabnimadii Isniin ayaa yiri, “Waxaan ku guuleysanay dib u habeyn dhameystiran oo ku saabsan xiriirka aan la leenahay Shiinaha kadib wadahadal wax ku ool ah oo ka dhacay magaalada Jineefa ee dalka Iswisir-land”.
Wuxuuna intaasi ku daray, in Labada dhinac ay ku heshiiyeen, in la dhimo canshuuraha la soo rogay 2-dii bisii Abriil ilaa boqolkiiba 10% muddo 90 maalmood ah, isagoona tibaaxay, in wada-xaajoodyadu ay sii socon doonaan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada, in canshuuraha Mareykanka ee Shiinaha ay dib ugu soo laabtaan boqolkiiba 145% kadib markii ay dhammaato muddadaas 90-ka maalmood ah ee la hakiyay, isagoo muujiyay, inuu aaminsan yahay in Washitoon iyo Biijiin ay heshiis rasmi ah gaari doonaan arintaas.
Galabnimadii Isniintii, Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ku dhawaaqay heshiis lagu dhimayo canshuuraha xad-dhaafka ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ganacsiga ee khalkhal geliyey dhaqaalaha adduunka iyo suuqyada maaliyadda.
Kulamada ka dhacay magaalada Jineefa ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee fool ka fool ah oo ay yeeshaan madaxda sare ee dhaqaalaha Mareykanka iyo Shiinaha tan iyo markii uu madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ku soo laabtay talada dalkaas, islamarkaana uu bilaabay ololaha canshuuraha ka dhanka ah caalamka, isaga oo canshuuro badan ku soo rogay waddamo badan, gaar ahaan Shiinaha.
Balse Shiinaha ayaa dhankiisa Mareykanka saaray canshuuro aan kuwaasi ka yaraysanin, taas Mareykanka aad u samaysay kuna khasabtay inuu ka laabtaa go’aankiisii qar-iska-xoornimada ahaa.