Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xabad joojin la dhex-dhigayo xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan iyo maamulka gumeysiga Yahuudda, kuwaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay isweydaarsanayeen duqeymo culus.
Hishiiska ayaa waxa uu socon doonaa muddo 12 saacadood ah, waxaana tani ay kusoo aadeysaa kadib markii xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay xalay weerar ku qaaday, saldhigyada uu Mareykanku ku leeyahay dalka Qadar.