Maalintii shalay oo Arbaco ahayd Aqalka Cad looga taliyo Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, in Trump uu go’aansaday in kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yaman lagu daro, liiska waxa ay yaqaanaan Argagixisada Ajnabiga ah.
Warka kasoo baxay Aqalka Cad waxaa lagu xusay dhowr arrimood oo ay Mareykanku ku eedeynayaan malleeshiyadan Shiicda ah ee fadhigoodu yahay Yaman waxayna kala yihiin: iney weeraradooda ay halis geliyeen amniga shaqaalaha iyo muwaadidiinta Ameerikaanka ah ee ku sugan mandiqadda loo yaqaan Bariga Dhexe, sido kalena ay khadar ku yihiin dowladaha ku sugan madiqadda ee fuliya danaha xukuumadda Washington, iyo iney hubanti la’aan geliyeen ganacsigii Caalamka.
Mareykanka ayaa soo hadal qaaday weeraradii Xuuthiyiintu ay sida joogta ah ula beegsanayeen maamulka Yahuudda iyo maraakiib marayay Badda Cas, isagoo dhanka kale sheegay in weerarada ka dhacay dhanka badda ay dhaliyeen sicir barar Caalami ah sida uu hadalka udhigay.
Malleeshiyada Xuuthiyiinta oo ah koox Shiico ah, ayaa Mareykanka iyo dowladaha kale ee reer Galbeedka ku noqotay laf dhuun gashay, waana taasi midda keentay in ay ku daraan liiska waxa ay ugu yeeraan Argagixisada, sidaba ka muuqata hadalkooda.