Wargeys kasoo baxa dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Le Diplomate ayaa daabacay, warbixin uu qoray qoraa Faransiis ah oo ka faallooda isbadallada caalamka, taas oo uu kaga hadlayo isbadallada siyaasadeed ee ka dhacaya geeska Afrika si gaar ah Soomaaliya, iyo loollanada xagga Jiyoo-Siyaasiga ah ee dalkaan ku dhexmaraya dowladaha waaweyn ee uu ugu horreeyo Mareykanka.
Waxa uu qoraagaaan oo lagu magacaabo Olivier Duzon shaaca ka qaaday, in isbadal xagga diblimaasiyadda ah uu ka socdo guud ahaan Soomaaliya, si gaar ah dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland, halkaas oo ay isku hayaan dowladaha sheegta iney yihiin quwadaha adduunka ee uu Mareykanku ugu horreeyo.
Qeybaha hore ee warbixintiisa ayuu kaga hadlay, isbadallo uu sheegay iney ku yimaadeen siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya, ayna hadda umuuqato in xukuumadda Washington ay ku howlan tahay qorshe dibu-gurasho ah oo gebi ahaanba ay meesha kaga saarayso taakuladii dhaqaale iyo tii millateri ee ay siin jirtay Dowladda Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
“Dowladda Mareykanka waxa ay hadda umuuqataa mid dib uga guraneyso xiriirkii ay la laheyd Dowladda Fedaraalka, iyadoo taas badalkeeda door-bideyso iney xiriir toos ah la yeelato maamulka Soomaaliland” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska kasoo baxa Talyaaniga ee uu qoray qoraaga Faransiiska ah.
Waxa uu sidoo kale qoraagu tilmaamayaa, in Dowladda Mareykanka ay maamulka la baxay Soomaaliland u aragto badiil xagga siyaasadda ah oo ay ku kalsoonaan karto, islamarkaana leh xasilooni siyaasadeed iyo nidaam dimuquraadi, asbaabaha uu uga fogaanayo Dowladda Fedaraalka ayuuna ku sifeeyay iney ugu horreyso xasilooni darrada xagga amniga ah ee ay iminka wajaheyso xukuumadda uu fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Waxa uu markaan qoraagu sii xoojinayaa hadal-heyn taagneyd maalmihii lasoo dhaafay, isagoona tibaaxay suurtagalnimada in magaalada Berbera ay noqoto saldhig istaraatiiji ah oo uu Mareykanku u adeegsan karo duullaannada uu ka wado bariga qaaradda Afrika illaa mandiqadda Indo-Pacific oo isku xirta Ameerika, Aasiya iyo Afrika.
Christopher Landau oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishaan gudaheeda sheegay, in ay dib u eegis ku sameyn doonaan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana qoraaga warbixintaan uu sheegayaa in taas ay muujineyso in Mareykanka uu gabi ahaanba badalo ragtidiisii hore ee ku wajahneyd Dowladda Fedaraalka, si toos ahna uu xiriirka ugu jaro dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay dhankeeda qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo kasoo horjeeda kuwa Mareykanka, ayna isku dayeyso xoojinta cilaaqaadka ay la leedahay Dowladaha Turkiga iyo Shiinaha, xilli xukuumadda Beijing ay ahmiyad gaar ah siineyso in saldhigyo laga ilaaliyo dayax-gacameedyada ay ka dhisato Soomaaliya.
Turkiga ayay warbixintu xustay in uu isana kordhiyay nufuudda uu ku leeyahay Soomaaliya, isagoo horay dalkaan uga sameystay saldhig millatari kan ugu weyn oo ay Ankara ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda, halka falanqeeyayaasha qaar ay aaminsan yihiin in Turkigu uu dhammaan arrimahaan ku ilaashanayo masaalixdiisa gaarka ah ee uusan waxba ugu qabaneyn Dowladda Fedaraalka.
Qeybaha dambe ee warbixintaan uu qoray kaatibka Faransiiska ah ee uu daabacay wargeyska Le Diplomate ee kasoo baxa dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay, in Mareykanka uu doonayo inuu dib usaxo siyaasaddiisa ku wajahan Geeska Afrika, isagoo ilaashanaya masaalixdiisa millatari iyo kuwa siyaasadeed ee uu ka leeyahay mandiqaddaan xasaasiga u ah amniga badaha caalamka.