Dowladda Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay dhawaan xayiraad kusoo rogtay baasaboorka Taiwan, taasoo keentay in uu baaqdo safar lagu waday in dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaalilaand ku yimaado Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan.
Masuul katirsan Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu tilmaamay in Dowladda Fedaraalka ay ku amreen iney ka laabato xayiraaddii ay kusoo rogtay baasaboorka Taiwan, isgoona sheegay in dowladdii soo faragaliso arrimah Taiwan ay la kulmi doonto cawaaqib xumo.
Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Fedaraalka, kaas oo ku aaddan hadalka kasoo yeeray Mareykanka ee ah in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ku amreen iney ka laabato go’aankii ay xayiraadda ku saartay baasaboorka Taiwan.