Thursday, May 8, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Sheegay inuu Hakinayo Weeraradii uu ka Waday Dalka Yeman.

Mareykanka oo Sheegay inuu Hakinayo Weeraradii uu ka Waday Dalka Yeman.

Kooxda Xuutiyiinta ee Yaman iyo dawladda Maraykanka ayaa wada gaaray heshiis lagusoo gabagabaynayo dagaalkii ka dhex taagnaa labada dhinac. War dhawaan kasoo baxay saldanada Cumaan ayaa lagu xaqiijiyay in ay labadan maamul gaareen heshiis rasmi ah, kaas oo soo afjaraya xiisadii ka dhex taagnayd.

Wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Cumaan ninka lagu magacaabo Badr Al-busa’idi ayaa war qoraala oo uu kusoo qoray bartiisa “X” oo horay loo oran jiray Tuwiitar ayaa ku sheegay, in ay Maraykanka iyo Xuutiyiintu ay wada gaareen xabbad joojin waarta, kuwaas oo kulamo iyo xiriiro dhex dhexaadin ah ku yeeshay boqortooyada Cumaan.

Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa shalay talaadadii ku dhawaaqay, in dawladiisu ay joojinayso dhamaan duqaymihii ay ku beegsan jirtay dhulka ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee Yaman, isaga oo sheegay in ay wada gaareen heshiis lagusoo af jarayo dirirtii ka dhex taagnayd tan markii uu bilowday xasuuqa ay Yahuuddu ku hayso Marinka Qazza.

Sida uu shaaciyay Doonal Taraam, kooxda Xuutiyiinta ayaa aqbashay in ay joojin doonaan weeraradii ay ku beegsan jireen maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga ee Maraykanka ee mara badda cas, kuwaas oo horay bartilmaameed joogto ah u ahaa gantaalada Xuutiyiinta, iyaga oo marar badan burburiyay diyaarado daroon ah oo kasoo duulaan taga maraakiibtan, sida uu sheegay afhayeenka Xuutiyiinta Yaxya Sariic.

Maxamed Ali, oo xubin ka ah golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa isna dhinkiisa ka hadlay arrintan isaga oo tilmaamay, in ku dhawaaqista Taraam ee joojinta duqaymaha uu ka gaysanayo Yaman ay noqon doonto mid ay soo dhawaynayaan, iyaguna ay dhankooda joojin doonaan hawgalada ay ku beegsanayaan maraakiibta Maraykanka ee ku sugan badda Cas, isaga oo dhanka kale carrabka ku adkeeyay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan Yahuudda.

Ku dhawaaqista xabbad joojintan ayaa ku soo beegantay saacado kaddib markii militariga Yahuuddu ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca, halkaas oo ay ka geysteen burbur xooggan, isla markaana hawlgab ka dhigay dhamaan shaqooyinkii ka socday garoonka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.