Saturday, June 14, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Sheegay inuu Xakameyn La'yahay Awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mareykanka oo Sheegay inuu Xakameyn La’yahay Awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa aqalka wakiillada ee dalkaasi ka hor sheegay iney xakameyn la’ihiin awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Genaraal Michael Langley oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika magacoodana loosoo gaabiyo AFRICOM, ayaa warbixin uu u gudbiyay guddiga adeegga ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee dalka Maraykanka ku sheegay, in duullaanka ay ka wadaan geeska Afrika aanu haba yaraaatee wax is badal ah ku keenin awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo maalinba maalinta ka dambeysa sii kobceysa.

Masuulkaan Ameerikaanka ah ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay marba marka ka dambeysa ku tallaabsaneyso horumarro waaweyn, ayna isku fidineyso dhul horleh, islamarkaana ay sufuufteeda buuxinayaan dhalinyaro fara badan oo Jihaad doon ah.

Michael Langley ayaa waxa uu muujiyay walaaca xooggan ee uu Mareykanku ka qabo awoodda sii kordheysa ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo uu ku sifeeyay iney kamid tahay xarakaadka ugu khatarta badan adduunka, waxa loogu yeero beesha caalamkana ay ku tiir iyo tacab beeleen loodinta Mujaahidiinta.

Halkaan ka Degso Warka Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.