Xukuumadda Washintin ayaa lasoo warinayaa iney xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogeyso, illaa 36 dal oo ay kamid yihiin dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ee dhaca bariga qaaradda Afrika.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in masuuliyiinta iyo shacabka 36-da dal laga mamnuucayo iney usoo safraan dalka Mareykanka.
Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaanan lagu xusin, sababta ay xukuumadda Washington dalalkaan uga mamnuuceyso iney dalkeeda usoo safraan.
Xogaha qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan, in warqad uu saxiixay xogyahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka lagu sheegay, in dalalkaan laga rabo iney buuxiyaan shuruudo uu Mareykanku usoo bandhigayo, haddii ay diidaanna laga mamnuunayo safarrada Mareykanka.