Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Sheegay Inuusan Bixin Doonin 1$ oo aan Iyaga Danahooda ku...

Mareykanka oo Sheegay Inuusan Bixin Doonin 1$ oo aan Iyaga Danahooda ku Jirin.

Wasiirka cusub ee arimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio, ayaa khudbad ka jeediyay fadhiga ay isugu yimaadeen gudiga arimaha dibadda ee Aqalka Congreska Maraykanka, wuxuuna kaga hadlay siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka afarta sano ee nasoo aadan.

Wuxuu ku celceliyay halkudhiga Donald Trump ee ah in Maraykanka laga dhigo mid awood badan, isagoona sheegay in mudnaanta ugu horeysa ay siin doonaan dalkooda iyo dadkooda, miizaanka iyo halbeega siyaasadoodana dibadda lagu jaan goyn doono masaalixda Ameerikaanka.

” Mudada uu Trump joogo xafiiska, wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka waxay mudnaanta kama dambeyska ah siineysaa dalka Maraykanka, jihada uu siyaasaddeena arimaha dibadda u yeeley Trump waa mid aad u cad, doollar kasta oo aan bixinno, barnaamij kasta oo aan maalgelinno, iyo siyaasad weliba oo aan raacno, waa iney ka jawaabtaa saddexdan su’aalood mid kamid ah; amniga Maraykanka ma xoojineysaa? maka dhigeysa Maraykanka mid awood badan? ama waxay Maraykanku ka dhigeysaa mid barwaaqo badan?. ayuu yiri Marco Rubio.

Mudo xileedka Trump, waxaana lacagta ay dhiibaan canshuur bixiyaasha Ameerikaanka ah u bixin doonnaa si xikmad leh, awoodeenana waxaan u adeegsan doonnaa si xikmad leh, si dadka Ameerikaanka iyo dalka Maraykaba u noqdo kuwa ugu wanaagsan, wax welibana laga hormariyo”.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka cusub ee arimaha dibadda Maraykanka ayaa muujinaya, inaaney waxba ka jirin hadallada ay ku hadaaqaan madaxda ka talisa caalamka Islaamka, ee ay ku sheegaan in Maraykanku uu ka shaqeynayo masaalixda dowladaha kajira dunida, hay’adihiisa kala duwan ee xafiisyada ku leh caalamka Islaamkana ay u shaqeeyeen caawinta dadka tabaaleysan.

Hadalka wasiirka arimaha dibadda Maraykanka uu jeediyay ayaa waxaa dib u baahiyay safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho, taasoo u muuqata mid ku dhega hadleysa Dowladda Federaalka ee ku tiirsan taageerada Ameerikaanka, iyadoo u fulineysa mashruuca la dagaallanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Sida muuqata dowladaha taagta daran ee kajira caalamka Islaamka waxaa usoo galay waqti adag, maadaama Aqalka cad ee Maraykanku uu fadhiyo shakhsi ku fakara caqliyadda ganacsadaha, oo aaney u muuqan waxaan ka ahayn dantiisa iyo dadkiisa, sidaasi darteed waxay u badantahay in waayada dhow uu Maraykanku meesha ka saari doono taageerada malaayiin doollar ee uu siiyo dowladaha siyaasadiisa ku shaqeeya ee kajira caalamka Islaamka.

Halkaan ka Degso Warka Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.