Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay isa soo tarayeen wararka sheegaya in Dowladda Mareykanka ay joojisay taageeradii ay siin jirtay ciidanka loogu yeero ee Danab ee ay iyadu tababaratay, ayaa waxaa arrinkaasi xaqiijiyay masuul sare oo Ameerikaan ah.
Senator James Risch oo ah Gudoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee golaha Senatarrada Mareykanka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in Xukuumadda Washington ay go’aan ku gaartay hakinta dhammaan taageeradii iyo taakuladii ay siin jirtay ciidanka Bangaraf oo kamid ah calooshood-ushaqeystayaasha uu Mareykanku ka hirgaliyay Soomaaliya.
Inkastoo uu masuulkaan Ameerikaanka ah sheegay in Mareykanku uu gabi ahaanba lugaha ka laaban doonin dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ay haddana Washington billawday iney si tartiibtartiib ah dib uga gurato taageeradii ay ku bixin jirtay ciidanka Bangaraf tan iyo sannadkii 2024.
Sababta ka dambeysa in Mareykanku uu hakiyo taageeradii uu ku bixin jiray Murtazaqadaan ayuu Gudoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee golaha Senatarrada Mareykanka ku sheegay, in qaar kamid ah hogaanka ciidankaan ay gacan togaaleeyeen islamarkaana ay musuqmaasuqeen saadkii uu Mareykanku ugu talagalay ciidanka loogu yeero Danab.
Dowladda Fedaraalka ayuu ku eedeeyay in illaa iyo hadda aysan ka hadlin arrintaan, islamarkaana aysan u dhaqaaqin baaritaanka iyo wax ka qabashada kiiskaan lagu soo oogay saraakiisha Murtazaqada Bangaraaf.
Marka ay halkaasi mareyso, ayuu masuulkaan Ameerikaanka ah sheegayaa in canshuur bixiyayaasha Mareykanka aysan sii wadi karin maalgalinta musuqmaasuqa xargaha goostay ee ka dhex jira Muratazada ay iyagu taba barteen, ciidanka Bangaraafna ay qaadanayaan masuuliyadda arrintaan.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay, in Mareykanku uusan diidaneyn inuu taageero duullaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaliyana ay ku adkeysanayaan in Yurub iyo Afrika ay iyaguna qaataan masuuliyadooda kaga aaddan arrintaan, oo aan iyaga lagu cidleyn maalgalinta duullaanka.
Habka ay wax ku maalgaliso Qaramada Midoobey ayuu masuulkaan Ameerikaanka ah sheegay inuu yahay mid keenaya, in dalalka qaar ay iska dhega tiraan qarashka ay ku bixinayaan duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya, culeyskana ay dusha ka saaraan canshuur bixiyayaasha Mareykanka.
Waxa uu sidoo kale Qaramada Midoobey ku eedeeyay iney had iyo jeer indhaha ka laabato guuldarooyinka kasoo wajahaya duullaannada ay kaga jiraan dalalka calaamka, kuwaas oo intooda badan ku taagan canshuuraha laga qaado dadka Ameerikaanka ah, balse uu xusay in arrinkaasi la isaga daba yimid, maamulka Trumpna uu diidan yahay sii socoshada maalgalinta duullaannada ay kaga jiraan wadamada Muslimiinta.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Mareykanka hoos u dhigtay taakuladii millatari ee ay ku bixin jirtay Murtazaqada loogu yeero Danab, waxaa isa soo tarayay walaaca ay madaxda Dowladda Fedaraalka ka muujinayaan sii jiritaanka ciidankaan oo kamid ah kuwa ay ku tashato, Biixi Iimaan CIgalle oo ah wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka, ayaana horay uqiray iney saameyn adag ku yeelatay Dowlada Federaalka, dhaqaalihii uu jartay madaxweynaha Maryakanka Donald Trumpe, ee lagu bixinayay duullaanka Soomaaliya, ciidamada Bangaraaf ee uu Maraykanku gacanta ku hayayna ay yihiin, kuwa ugu daran ee ay saameysay dhaqaalaha ay joojisay Dowladda Maraykanka.