Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Wada Daadgureynta Soogalootiga Shari Darrada ku Galay Dalkiisa.

Mareykanka oo Wada Daadgureynta Soogalootiga Shari Darrada ku Galay Dalkiisa.

Diyaarad millteri oo ay leedahay dowladda Mareykanka islamarkaana wadda dad soo galooti ah oo laga soo tarxiilay wadankaasi ayaa maalintii shalay ka degtay dalka Guatemala ee dhaca Bartamaha qaaradda Ameerica, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruaters oo soo xiganeysa labo sarkaal oo Mareykan ah islamarkaana magacyadooda qariyay.

Tallaabadan ayaa ah mid uu Donald Trump horay ugu hanjabay, wuxuuna sheegay kol sii horreysay inuu tarxiilka u adeegsan doono diyaarad millateri, dalka Guatemala ayaana noqday kii ugu horreyay ee ay hanjabaaddaasi ka dhaqan gasho.

Tump wuu ka dhabeeyay inuu soo tarxiilo doono dadka, waxaana gudaha wadankaasi ka socda howgallo lagu soo qab qabanayo dadka jooga gudaha wadankaasi ee aan Mareykanka ogolaashiyada ka haysan.

Donald Trump, ayaa lacagaha loo yaqaan canshuurta iyo cuna-qabateyn ugu u hanjabay dalka Colombia, oo markii hore diiday inuu qaabilo dadka loo soo tarxiilayo wadankaasi, kadibna waa uu ogolaaday, wuxuuse Trump sheegay iney ku socon doonaan wixii uu ugu hanjabay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.