Dowladda Mareykanka ayaa marba marba ka dambeysa qaadeysa tallaabooyin ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee ku nool dalkeeda, tan iyo wixii ka dambeeyay markii dib loo doortay Donald Trump.
Trump ayaa waxa uu qallinka ku duugay xeer cusub oo dhigaya, in dalka Mareykanka laga mamnuuco muwaadiniinta dalal ay kamid yihiin Soomaaliya, Suudaan, Yeman, Liibiya, Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Eretrea iyo Haiti.
Xogaha ayaa tilmaamaya in sababta uu Tramp dalkiisa uga mamnuucay muwaadiniinta wadamadaas ay tahaya arrimo la xiriira cabsi uu ka qabo in halkaasi ay ka dhacaan weeraro lagu beegsado danaha Mareynkanka.
Tani ayaa waxa ay saameeyn ku yeelan kartaa dad badan oo usafri lahaa Mareykanka, kuwasoo kasoo kala jeeda wadamada haatan laga manuucay in ayu tagaan dalkaas.